Hargaysa(Subulahanews.com) Shirkii Golaha Wasiiradda uga socday Madaxtooyadda mudada sadexda Cisho ah ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay War-murtiyeed ay ku xardhan yihiin laba iyo Toban qoddob oo Mala-awaal ah oo taabanaya sidii wax looga qaban lahaa tabashada Shacbiga Somaliland, taasoo lagu sheegay war-murtiyeedka in 70% qorshihii xukuumadda ee shanteeda sano wax laga qabtay.
War-murtiyeedka ay Golaha Wasiiraddu soo saareen waxa uu koobsanayaa Xukuumaddu inay sanadka 2013-ka wax ka qaban doonto Arrimo badan oo ay ka mid yihiin Ictiraafka, Cadaaladda, Shaqo Abuurka, Cuntada, Amaanka, Siyaasadda iyo Dhulka, waxaanu War-murtiyeedka ay soo saareen u dhignaa sidan:-
War-Murtiyeed
Sida aad la socotaan waxaa caawa kusoo gebageboobay qasriga Madaxtooyada shirkii qiimaynta wax-qabadka iyo qorshaha mustaqbalka, shirkaas oo socday mudo sadex maalmood ah, oo uu gudoominayay Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Silanyo. Waxaa kasoo baxay war-murtiyeedkan:
1. Shirka waxa lagu soo bandhigay wax-qabadkii Xukuumadda ee labadii sano ee la soo dhaafay, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray halka ay marayaan adeegyada bulshadda ee degmo kasta ilaa heer tuulo.
2. Shirku wuxuu isla qaatay in la fuliyey balanqaadyadii Bulshada loogu balanqaaday shanta sano 70%.
3. Shirku wuxuu isla qaatay in wax laga qabto 130 qodob, kuwaas oo saldhig u noqon doonna Siyaasadda sanadka cusub ee 2013.
4. Shirku wuxuu isla qaatay adkaynta nabadgelyadda, la dagaalanka argagixisada/budhcad-badeeda iyadoo kor loo qaadayo tayada Hay’addaha amaanka, lana xoojiyo xidhiidhka dhexdooda.
5. Shirku wuxuu isla qaatay in Gobollada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle laga sii wado nabadaynta iyo maamul-fidinta, iyadoo xoogga la saarayo dhinaca horumarinta.
6. Shirku wuxuu isla qaatay in Horumarinta Cadaaladda, toosinta iyo kobcinta garsoorku, ay aasaas u tahay kor u qaadida milgaha Cadaaladda iyo madax bannaanida garsoorka.
7. Shirku wuxuu isla qaatay In la sameeyo barnaamij shaqo abuur, si xal loogu helo mushkilada dhalinyarada, iyadoo xoogga la saarayo kobcinta dhaqaalaha Dalka, wacyi-gelinta Bulshada iyo la-dagaalanka faqriga.
8. Shirku wuxuu isla qaatay in qarankani baahi weyn u qabo sidii loo heli-lahaa cunto ku filan, iyadoo taa laga duulayana in sanadka cusub xoogga la saaro wax-soo-saarka (Sida, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Xoolaha), iyadoo la samayn doono barnaamij u gaar ah, oo tusmo iyo tixgelin ku leh Miisaaniyadda Qaranka ee 2013.
9. Shirku wuxuu isla qaatay in la dejiyo siyaasadii guud ee dhulka lana illaaliyo degaanka.
10. Shirku wuxuu isla qaatay in bartilmaameedka 1aad yahay aqoonsi buuxa oo Somaliland ka hesho dunida, in la sameeyo dib-u-habayn iyo diyaarinta siyaasad qorshaysan, xidhiidh fur-furan iyo iskaashi fiican oo ku wajahan dhinacyada kala duwan ee Beesha Caalamka, sida Africa, Dunidda Carabta, Yurub, America, Urur Goboleedka IGAD, AU iyo jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa. Sidoo kale in la xoojiyo doorka qurba-jooga Somaliland ka qaadan karo ictiraafka.
11. Shirku wuxuu isla qaatay in sanadkan Siyaasadda miisaaniyadda 2013 ku salaysnaato, xoogana la saaro nabadgelyada, horumarinta Cadaaladda, xoojinta Siyaasadda arrimaha dibedda, Horumarinta Gobollada bariga (Sool, Sanaag bari iyo Buuhuudle), kor u qaadida shaqo abuurka iyo wax-soo-saarka.
12. Shirku wuxuu isla qaatay ahmiyada ay doorashooyinka xorta iyo xalaasha ahi u leeyihiin qaran, sidaa darted xukuumada waxaa ka go’an in doorashooyinka Dawladaha Hoose ugu qabsoomaan si nabadgelyo ah xiligii loo cayimay.
Afhayeenka Madaxweynaha JSL
Axmed Saleebaan dhuxul

