Hargaysa(Subulahanews)Wakaalada wararka Qaramada Midoobay ee IRIN, ayaa War-bixin ka diyaarisay shilalka gaadiidka ka dhaca Somaliland oo galaaftay nolosha boqolaal qof isla-markaana dhaawacyo ka soo gaadheen tiro intaasi ku badan.
Wakaaladu waxay isbarbar dhig ku samaysay shilalkii Somaliland ka dhacay sanadkii 2004-tii iyo 2011-kii, kuwaasi oo uu u dhaxeeyo faraq aad u badan, waxayna masuuliyiinta ciidamada nabadgalyada wadooyinka oo la hadlay wakaalada wararka ee IRIN ku sababeeyeen shilalka gaadiidka dhowr arimood oo ay ugu muhiimsan tahay khibrada dirawaliinta gaadiidka.
Cabdi Muuse oo ah taliyaha ciidamada nabadgalyada wadooyinka ayaa sheegay in sanadkii 2004-tii ay Somaliland ka dhaceen 1,251 shil oo sababay dhimashada 75 qof, halka ay sanadkii 2011-kiina ka dhaceen 2,199 shil oo ay ku dhinteen 142 qof “Sanadkii 2004-tii, waxa dhacay 1,251 shil, marka la barbar dhigo sanadkii 2011-kii ay dhaceen 2,199 shil, oo ay ku dhinteen 75 iyo 142 qof oo ah sida ay u kala horeeyaan”ayuu yidhi Taliyaha ciidamada nabadgalyada wadooyinka oo la hadlay Wakaalada wararka IRIN.
Taliyaha Taraafikada Somaliland waxa uu tilmaamay in korodhka shilalka gaadiid ay sabab u yihiin arimo dhowr ah, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin khibrad la’aanta wadayaasha gaadiid iyo waddo xumo “Waxa sababaya korodhka shilalka gaadiidka aqoonta la’aanta wadayaasha,waddo xumo, gaadiidka oo tankooda la dhaafiyo, xawliga ay ku socdaan iyo calaamado la’aanta jidadka”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in dirawalada gaadiidka qaadka iyo maandooriyuhu yihiin kuwo ugu weyn ee ku xad-gudbo sharciga waddo marista “Dirawalada gaadiidka Qaadka iyo Maandooriyaha ayaa kuwo ugu weyn ee ku xad-gudbo sharciga waddo marista”
hargaysa/somaliland

