Hargaysa(Subulahanews) Hay’adda International Finance Corporation (IFC) iyo baanka adduunka, ayaa daraasad ka diyaariyey kobaca ganacsiga sida gaarka ah loo leeyahay ee Somaliland ka jira iyo waliba caqabadaha hor-taagan in ganacsigaasi gaadho heer ka sareeya halka uu maanta taagan yahay.
War-bixintan oo shalay ay wada jirka u soo saareen baanka adduunka iyo hay’adda IFC, ayaa iftiimisay in ganacsiga Somaliland ee gaarka loo leeyahay uu ilaa hadda ku kooban yahay heer ay ku tilmaameen mid hoose (Micro-Level Data).
War-bixintan waxa kale oo lagu sheegay inay jiraan caqabado dhowr ah oo hor-taagan in Somaliland laga bilaabi karo ganacsi, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Laydh la’aan, diwaangalinta hantida qofku leeyahay, in maalgashaduhu damaanad u helayo hantidiisa iyo inuu yar yahay in ganacsigu xuduudaha dalalka kale u gudbo iyo waliba arimo la xidhiidha xagga sharciga ganacsiga.
“Ka Ganacsiga Somaliland ee sanadkan 2012-ka, marka ugu horeysay sharciga iyo qaabka ganacsiga waxa uu yahay mid maxali ah oo ah ganacsi yar ama dhex-dhexaad ah”ayay tidhi war-bixintan oo intaa ku dartay “Hargeysa waa xarunta dhaqaalaha Somaliland ugu weyn”
Pilar Sánchez-Bella oo ah masuul war-bixintan qayb ka ahaa ayaa sheegay in hay’adaha dawlada ee maamula arimahan ganacsiga khuseeya ee kor ku xusan ay u maamuleen si wanaagsan, laakiin loo baahan in Somaliland ay horumariso habka ganacsi “Somaliland waxa looga baahan yahay inay horumariso habka ganacsiga oo la kobciyo deegaan ku haboon ganacsiga, taasoo dadka aqoonta leh ku dhiirigalinta inay bilaabaan ganacsi”ayuu yidhi Pilar Sánchez-Bella
War-bixintani waxay soo jeedisay tallooyin la xidhiidha sidii loo kobcin lahaa ganacsiga, kuwaasi oo ay ka mid yihiin “In la dhamaystiro sharciga iyo xeerarka nidaamka ganacsiga, in dib loo habeeyo habka maamul ee ganacsiga, in la fududeeyo dhismaha shirkadaha waaweyn, in la dhimo qiimaha cashuurta iyo in la fuliyo shuruucda ganacsiga’ ayay tidhi war-bixintu.
Daraasadan ama war-bixintan ayaa lagu sheegay inay tahay diyaarinteeda aycodsatay Wasaarada qorshaynta qaranka Somaliland.
SUBULAHANEWS.COM

