Borama(Subulahanews) Xaflad qalin jabin ah oo heer sare loo soo agaasimay ayuu qabtay Machadka weyn ee wabari.
Xafladan qalin jabinta ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha waxbarashada gobolka awdal,aqoonyahano,quurba jog iyo marti sharaf aad uu badan.
Ugu horeyn waxa madashaasi ka hadlay ka hadlay maamulaha machadka waberi mudane: c/laahi Axmed Cumar oo halkaasi ka sheegay in ay Ardayda Waberi guud ka qalin jabisay ay tahay 720,Maanta loo fadhiyo xafladii qalin jabinta dufcadii 5.
Waxa kale oo uu carafka ku dhuftay in machadka waberi uu yahay mid aqoonta la barto ay tahay mid aan fici doonta Ardayda.
Waxa kale oo isagna madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Boodhka sare ee macadka waberi Mudane:hoori oo ku nuux nuux saday in machadka waberi ay ka aflexeen kumanaan arday,waxa kale uu carafka ku dhuftay in uu Machadku sanadkan danbe uu ka bixi doona kirada uu ku jiro isaga oo yidhi in sanadka danbe uu heli doona Hanti uu leeyahay.
Waxa ugu danbayn Hadlay oo Xaflada soo xidhiidhay Gudoomiyaha Waxbarashada Gobolka Awdal Mudane: Axmed Cige Riiraash oo ku nuux nuux saday mihiimida
Ay leedahay Waxbarashadu in ay tahay ta kaliya ee lagu nool yahay ayna tahay in wax la barto mid qof kasta oo uu ilahay samayey ka faa”iidaysto Wakhtiga la siyey.
BY:WARIYE SHARBI YARE
SUBULAHANEWS.COM
BORAMA/SOMALILAND
















