Hargaysa(subulahanews) Guddida Arrimaha Gudaha iyo Difaaca ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa ka hadlay Xeerka Sirdoonka Somliland oo ay Guddidaasi kala shireen Taliyaha Ciidan Sirdonka, kaas oo ay Warbaahinta Qaar sheegeen inuu Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Jaamac Bootaan ka codsaday inay Guddidu qodobada qaar ka saaraan Xeerka, taas oo ay sheegeen inaanay waxba ka jirin arintaasi.

Xog-hayaha Guud ee Guddida Arrimaha Gudaha Golaha wakiiladda C/raxmaan Maxamed Jaamac (C/raxmaan Xoog) oo shalay shir Jaraa’id ku qabtay Xarunta Golaha Wakiilada Somaliland oo uu ku wehelinayey Xildhibaan C/kariin Aw Cali Shabeel, ayaa waxa uu sheegay inaanay wararkaas waxba ka jirin.

Isaga Oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan shirkan Jaraa’id u qabtay inaan warkaas beeniyo, waxaan idiin sheegayaa inaanu warkaasi ahayn mid xaqiiqo ah, waxaan idiin sheegayaa inaanu taliyuhu naga codsan wax ku saabsan xeerka in laga saaro, waxanu la yeelanay shir aanay warbaahintu waxba ka ogayn oo aanu ku ballanay inaan warbaahinta la siinin, waayo waa hay’ad sirdoon oo looma baahna in warbaahinta la geliyo.”
C/raxmaan Xoog oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray“Agaasimaha Sirdoonku waxa uu la mid yahay sida hay’adaha kale ee Madaxa bannaan, lamana ansixiyo oo sharciga ayaa dhigaya, wargeysku ma sheegin meesha uu ka soo xigtay, waxaana cad inuu warkaasi yahay been la dhoodhoobay, mar qudhana afkiisa kamay soo bixin ka saara xeerkaasi, waxaanu ka codsanaynaa inay xaal siiyaan qolada wargeyska haatuf taliyaha Ciidanka Sirdooon, anaguna waxba maxkamad gayn mayno.”

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook