Hargaysa(Subulahanews) Maareeyaha Wakaalada Korantada Somaliland Weli Axmed Xaawa, ayaa ka hadlay Wasaarada Hawlaha Guud oo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) maamulkeeda hoos-geeyay, waxaanau sheegay inay awalba aan lala ogeyn dhibka ay ku qabaan, sidaa daraadeedna ay soo dhawaynayaan in la hoos-geeyo.

Wali Xaawa waxa kale oo uu cabasho ka muujiyey dadka Magaaladda Hargeysa oo uu sheegay inay si tuuo ah u isticmaalaan laydhka Wakaalada korontada ee dawlada, isaga oo tilmaamay inay dadku aaminsan yihiin in laydhka dawladu xalaal yahay.

Wali Xaawa oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dadku yaanay Khalad fahmin waa arrin anaga noo wanaagsan ama bajad hana loo geliyo ama dakhligeeda hanagu kabto, Dhibaato iyo warwar aanu qabnay haddii nala yidhaahdo qofkaa kalena ha idinla qaybsado waxay ila tahay qofna inaanu ka naxeen ama diideen (In lana hoos geeyo Wasaarada hawlaha guud)

Maareeyuhu waxa kale oo uu sheegay “Waanu ku faraxsanahay aad iyo aadna waanu u soo dhaweynaynaa, waayo markii hore meesha Shidaalka laga sugayo anaga ayey aheyd, dhibaatada baqahu anaga ayey ahayd oo keliya, haddii ay wax yimaadan masauuliyad anagii ka saraysa oo meeshii nala ogaata waxay qabto Nin Gunti Xumi inuu wax Qarsanayaa Lamoodaaye awal baahida waanu soo bandhigi jiray oo waana nalaga Aqbalijitay, Baahidii hala idinla arko oo Haloo indha bato haddii la yidhaahdo Ilaahaybaa mahadle Qof nasiible ayuunbaa taa hela”ayuu yidhi mar uu shalay u waramayey Toga-herer, isaga oo intaa ku daray fariin uu u diray Madaxwayne Siilaanyo iyo golayaasha sharci dejinta oo uu ka codsaday in wakaalada loo sameeyo sharci.

Maareeyuhu sidoo kale, waxa uu dadwaynaha ugu baaqay inay ka waantoobaan laydhka ay sida xatooyada ah uga isticmaalaan wakaalada korontada dawlada, isaga oo tilmaamay inay dadwaynuhu u haystaan in laydhka dawladu xalaal u yahay.

 

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook