Hargaysa(Subulahanews)-Wasiirka Arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa la kulmay Siyaasiga Yuusuf Garaad Cumar oo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ku sugnaa Caasimada Hargeysa, kaasoo sida la sheegay la socday Jinaasadii Alle ha u naxariistee Marxuum Gaariye.
Ma jirto wax war ah oo laga helay kulanka Wasiir Cumar iyo Yusuuf Garaad, hase yeeshee qaar ka mid ah Mareegaha Internet-ka ayaa daabacay sawiro aad moodo in si qarsoodiya loo qaaday oo laga qaaday labada Masuul.
Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb galay tartankii Doorashada Madaxweynaha Somaliya bishii la soo dhaafay, waxaanu isu soo taagay Madaxweyne maalmo yar ka dib markii uu iska casilay shaqadii Laanta afka somaliga ee BBC-da oo uu ka shaqayn jiray in ku dhaw labaatan sanadood.
Dadka siyaasadda faaqida ayaa dood iyo dareeno kala duwan ka bixinaya waxa uu ku salaysnaa Kulanka labada masuul, hase ahaatee isweydiinta ugu badan ee arintan layska waydiinayo ayaa waxay tahay sababta ay Xukuumada siilaanyo uga gol leedahay Macaamilaadka ay la samaynayso mid ka mid shakhsiyaadkii Madaxtinimadda somaliya u tartamay.
Dadka qaarbaa aaminsan inuu Mr Yuusuf xod-xodasho siyaasadeed ka wado Hargeysa, waxaase taasi bar-bar socda hadal hayn kale oo odhanaysa inay qaab saaxiibtinimo ah u kulmeen Wasiirka.
HARGAYSA/SOMALILAND

