Gabilay(Subulahanews)Madaxwaynaha jamhuuriiyada Somaliland mudane Axmed Maxamed maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka salaadii jimcaha dadwaynaha reer Gabiley kula tukaday misjiid jaamaca magaalada gabiley
safarkan uu madaxwayne Siilaanyo ku tagay magaalada gabiley ayaa ahaa mid dadwaynaha reer gabiley ku noqday layaab kaasi oo aan laga dareemin guud ahaanba magaalada Gabiley balse dad waynuhu ay arkeen uun madaxwayne Siilaanyo oo salaada la tukanaya.
Madaxwaynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamida masuuliyiinta xukuumadiisa oo ay kamid ahaayeen wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali-Nuur Sh.Maxamed, taliyaha ciidamada Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa sidoo kale safarkiisu ku soo maray Xabaalaha Magaalada Arabsiyo oo Dooxu Qayb ka qaaday Xabaalahaasi isla markaana uu khatar xoogan ku yahay Dugsiga iyo xabaalaha la jaarka ah dooxaasi oo mudooyinkaba si wayn loo hadal hayay waxaanu salaadii ka dib ku soo laabtay Magaalada Hargeysa.
GABILAY/SOMALILAND

