Turkey(Subulahanews)Diyaarad nooca rakaabkaa oo laga leeyahay wadanka syria oo sidey qalabka ciidamadda ee isgaadhiista loogu yeedho ayaa waxaa qabsaday ama xoog ku fadhiisiyey diyaarahada dagaalka ee wadanka Turkiga, sidaasi waxaa sheegay wakaaladda wararka ee dalka turkiga, inkasta oo Xukumadda Syria arintaasi ku tilmaantay dhacdo Budhcadnimo xagga cirkaa, iyadoo xaaladda labadda wadan cirkaasi ku shareerayd maalamhii la soo dhaafay.
Talafishinka Qaranka ee Turkiga ee loo yaqaano TRT iyo waraaq loogu yeedho Yeni Saafak ayaa yidhi diyaaraddu waxay sidey koontiinaro lagu qiyaasay ilaa 10 oo qaarkood ay ku jiraan qalab raadiyowyo iyo anteennnoyin iyo wax loo maleeyey inay ahaayeen qaybo ka midda gantaalaha, labadda dal ee Turkiga iyo Syria ayaa si toosa midna macluumaad uga bixin waxii ku raraa diyaasadda laga lahaa syria ee ahayd nooca A320 oo ka soo Haadey magaaladda Moscow ee dalka Ruushka, taasi oo lagu khasbay shalay in ay fadhiisato madaarka Ankara ee dalka Turkiga, ka dib markii diyaarahada dagaalka ee Turkiya hawadda sare ku qabteen.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Turkiga Ahmet Dayutoglu ayaa yidhi shixmadani waxaa ku Jirey qalab aany sharci ahayn in diyaaradaha shicibka ama rakaabkaa lagu soo raro, waxaanu ku adkaystay in Ankara ay xaq u leedahay inay joojiso diyaaradaasi haddiiba looga shakiyo in qalab ciidan saaranyahay ama lagu soo raray oo hawadda ama dhulka Turkiga ay ku jirto. Laakiin wasiirka Gaadiidka ee Syria Mohamed Ibrahim Saed ayaa maanta yidhi, go,aanka Turkigu diyaaradaasi xoogga ku fadhiisiyey waxuu la mid yahay budhcadnimo. Dhoolatuska ciidan ee Syria iyo deriskoodda waqooyiga ee Turkiya ayaa cirka isku shareeray maalmahii u la soo dhaafay, kadib markii uu ka qarxay dagaal laysku weydaarsadey hoobiyayaal iyo madaafiic, taasi oo turkiggu aad ugu dhaleeceeyey Madaxweynaha dalka Syria Bashar Assad iyo burburinta mucaaridka iyo ku xoojinta joogitaanka 565 miles ama 910km) oo xuduudda oo Syria ku dishey madaafiic ay ku garaacday shacab turkiya wiiggii hore xuduudaasi iyo ciidda Turkiga. Dhinaca kale dhacdadan Diyaaradan xamuulkaa ayaa isku dhac ka dhex abuurtay wadamadda Turkiga iyo Ruushka oo ah mid ka midda xulufadda ugu danbaysa ee Syria. Sarkaal ka tirsan safaaradda Ruushka ee Ankara ayaa cadeeyey in shixmadani ka iman dalka Ruushka markii hore, Shirkad loogu yeedho Rosoboronexport oo maamusha heshiisyadda mashaariicdda Ruushka ee dhinaca ciidamadda ee la dhoofiyo ayaa sheegtay in qalabkani ayna lahayn Ruushku. Inkastoo afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee Ruushka Alexander Lukashevish uu yidhi, Ruushu waxay ka walaacsanyahiin argagax gelinta nabadgelyadda iyo nolosha rakaabka oo ay ku jiraan 17 dhalashadoodu Ruush tahay, waxaanu yidhi Turkigu waxay u diideen saraakiisha Qunsuliyadda Ruushka ee dalkaasi iyo dhakhtaro inay la kulmaan rakaabkaasi, kuwaasi oo sideed saacadood lagu haystey madaarka Ankara dibadiisa, cunto la,aan iyo sharaxaad la,aan. Dhinaca Ruushka ayaa sii wadda oo ku adkaysanaya in Xukumadda Turkiya sharaxaad ka bixiso asbaabahii keenay in muwaadiniinta Ruushka sidaasi loola dhaqmo iyo in ayna dib u dhicidoonin mustaqbalka amuutan oo kale. Mr Lukashevich ayaa yidhi Diyaaraddii iyo 37 rakaaba iyo shaqaalahii diyaaradda ayaa loo ogolaaday inay u kicitimaan Damascus shixmad la,aan. Maanta ayaa Wasiirka Tamarta ee Turkigu Yaner Yildiz ayaa sheegay in Syria joojisey Korantaddii ay ka iibsan jirtey wadanka Turkigga asbuuc ka hor.
SUBULAHANEWS.COM
TURKEY

