Hargaysa(Subulahanews)Gudoomiye kuxigeenka sedexaad ee urur siyaasadedka umada pro. Axmad Mxamuud Nuur oo shirjaraa,id kuqabtay Huteel Xaraf ee magaalada hargaysa ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii Gudoomite nimo ee uu u hayay ururka Umada ,Waxaana uu sheegay gudoomiyuhu inuu ku biiray xisbiga taladahaye ee kulmiye.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay is casilaadiisu ku lug leedahay tadaalada balaadhan ee uu kulmiye kagaadhay wadahadaladiinadabada bariga sanaag,isagoo tilmaamay inay beesha uu kasoo jeedaa ay taageersantahay xisbiga kulmiye ee haatan talada dalka haya.
Waxaana uusheegay gudoomiye ku xigeenka sedexaad ee urur siyaasadeedka umadu , inaanay jirin wax khilaafa oo dhaxmaray gudoomiye gaboose balse ay tahay mid isaga iyo beeshiisa ugaara taageerana siinaya xisbiga kulmiye ee uu ku soobiiray isaga iyo beeshiisuba . “Aniga oo ah Guddoomiye ku xigeenkii saddexaad ee ururka Umadda, waxaan halkan ka cadaynayaa inaan iska casilay, xilkaasi oo aan muddo soo hayey sababaha ugu waaweyn ee keenay waxa weeye in xuduudihii Somaliland ay dhinac Puntland ka soo xidhmeen, oo dhammaan beeshii Sanaag bari ay taageereen gogoshii nabada ee Madaxwaynaha, xukuumadduna ay ku tallaabsatay horumar, sidaa daraadeed, maadaama oo aan ahay beesha siyaasigeedii waxaan ku khasbanahay inaan beeshayda raaco oo aan la shaqeeyo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye, kana wareego ururkii umadda”.
Sidoo kale waxaa uu hseegay in uu xilka donaya xukumada maadaama uu ka soobaxay ururkii uukujiray sheegayna in isaga iyo beesiisuba lashaqaynayaan xukumada talada dalka haysa. “Xilka mar walba waala helayaa, waana wax jira mar haddii uu qofku muwaadin siyaasiya yahay, qof kasta oo muwaadin ahina xaq ayuu u leeyahay inuu xil ka helo dawlada, taana aad-baan ugu han-waynahay, ta kale ururka waa laga bixi kara, waayo siyaasadu malaha saaxiib joogto ah, ururkuna maaha aayad qur’aan ah oo meel ku taalla”.
Siyaasigan kasoojeeda beesha sanaag bari ayaa waxa uu cadeeyay hadafkiisa siyaasi ee kuwajahan kamidha dhalintiisa isa ga oo tilmaamay in uu haatan ka midyahay xisbiga kulmiye .
Siyaasiagan ayaa waxa uu shirkiisaa jaraa,id ku sheegay inay beeshiisa oo markii hore katirsanayd Butland ay haatan usoo jeedsadeen sidii ay ulashaqayn lahaayeen dawlada Somaliland .
Sidoo kale waxa uu baaq udiray pro.Axmad Maxamuud Nuur madaxwayne faroole “ adigu waxaad xukuntaa sedex gobal ee intaaduun ku eekaw ,waxaanu kalanaya labdal ,oo lakalayidhaa somalilan British iyo somaliaya dakana waa dad reer Somaliland ah”.
Axmad Maxamuud Nuur waxa kale oo uu carabka kudhuftay madaxwaynaha cusub ee somaliya oo uu sheegay inuu yahay in wax badan kayaqaana Somaliland inbadana kashaqaynjiray “madaxwaynaha Somalia waanin inbadan kashaqayn jiray samaliland waxaana looga fadhaiyaa inuu ictiraafka kasiiyo midigta, raysalwasaaraha waxaan leeyahay siyaadbare ayaa baalmadaw kagatagay reer Somaliland ,adna waxaa lagaaga fadhiyaa inaad baalkaa madaw aad caadaan ubadasho oo aad Somaliland siisaan ictiraafkeeda ay xaqa uleedahay”.
HARGAYSA/SOMALILAND

