awladda Maraykanka ayaa ujeedada ugu weyn ee ay ka leedahay ciidamadda ka joogga Afrika iyo hawlaha ay ka hayso ee loo maro waxaa loogu yeedho dagaalka Argagixisadda waxaa ugu muhiimsan danno dhaqaale.

Warbixin dheer oo lagu baahay dhowr shabakadood oo ay ka mid-tahay, Globalresearch.co, ayaa lagu sheegay in Xukuumada Obama ay sii waddo hawlgalada AFRICOM Military oo uu bilaabay madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka George W. Bush sanadkii 2007. Kaasoo ay ka dadnbeeyay shirkaddo. Warbixintaas waxaa lagu yidhi. “Danaha Dawlada Maraykanka ee uu hogaminayay xogayihii arrimaha Africa u qaabilssanaa Mr. Jonnie Carson ka hor intaanu geeriyoon oo u ku jiray mashruuca la dagaalanka Argagixisada ku sugan dalka Somalia, Ayaa Helen Keller-esque populace, waxaa ay sheegtay in ay dawladda Maraykanka ay guul-weyn u tahay arrimaha uu ka waddo dalka Somalia, oo ay ku baxday lacag dhan $500 million oo lagu xoojinayay ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Somalia.” Ayaa lagu yidhi warbixinta waxaana ay intaas ku dartay. “Waxaan qorshahooda qarsooni uu yahay siddii ay gacanta ku dhigi lahayeen shirkadaha macdanta ee dalalka Maraykanka oo muddo badan xiisenayay macdanaha ku duugan Somaliya iyo Somaliland. iyadoo sanadkan laga helay maamul goboleedka Puntland celal salid ah.”

Shirkadaha ka dhisan caasimadda dalka Maraykanka ee Washigton ayaa la sheegay in isku qaariyan ururo ka shaqeeya gargaarka bina’aadminimo, kuwaas oo maal gelinta ay ka helan macdanta u adeegsadda danahooda oo ay u sii marayaan ururadaas.

Ra’isal wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa warbixintu sheegtay in aanu ka daaleyn ee uu sii wadi doono danaha shirkadahaas. Bishii February ee horantii sanadkan waxaa shir lagu qabtay magalada London, kaas oo ku saabsanaa arrimaha Somalia, shirkaas natiijooyinka ka soo baxay waxaa ku jiray in mucaawinooyinka loo kordhiyo, gargaar dhaqaale iyo qorshe cusubna laga sameeyo la dagaalanka Argagixisada ka jirta Somalia. Laakiin, Raysal Wasaare David Cameron, muu sheegin halka ay ciidamadda ka qayb qaadanaya mashruuca la dagaalanka Argagixisada ee Somalia dhaqaalahooda iyo tageerida ka heli doonaan, in kastoo ay la wareegi doonaan hayadaha sirdoonka ee wadamada reer galbeedku inta badan maamulka goobaha ay ka jiraan dagalada kala duwan.

Inta badan hayadaha Sirdoonka ee reer galbeedka waxaa ay adeegsadaan qisooyin la mid ah kuwa ka jira dalka Maali waqtigan. la dagaalanka ururada Argagixisada ayay markaan, iyaddoo damacsan inay ka hirgaliyaan nidaamka Dimoqraadiga ah iyo xoriyadtul qowlka mandaqada Geeska Africa oo dhan. “Wadanka Maali waxa uu leeyahay macdan baladhan oo ay ka mid tahay beeraha, Macdanta dabiciga ee Saliida iyo Dhuxul dhagaxda, in kastoo aan shirkadaha reer galbeedka ahi aanay gacanta ku dhigin ilaa hada. Laakiin, marka labada wadan ee Ghana iyo Mali la isku daro wax soo saarkoodda dhinaca Dahabku, waxaa uu noqonayaaa % 5.8 aduunka oo dhan. Xaqiiqda ay wadamada Maraykanka iyo Ingiriska ay ka danayaan Qaraada Africana, maaha mid ku waajahan gaargaar binu’aadanimo.

Sanadkan 2012, waxaa la qabtay shir ku sabsaan macdanta iyo shidaalka dalka Somalia, kaasoo dawladaha Maraykanka iyo Ingiriisku kaga wadda hadlayeen sidii ay u qaybsan lahaayeen,. Sidaas darteed, waa ay caddahay ujeedada khaaska ah ee ku sabsaan saldhiga Military ee AFRICOM laga leeyahay. “ Ayaa lagu yidhi warbixinta, waxaana ay intaas ku dartay, “Tageerayaasha Madaxweyne Obama si dhab ah u tageeri doona hawlaha uu ka wado qaarada Africa, ayaa waxay u arkaan inta badan nin asal ahaan ka soo jeeda qaraada Africa, laakiin waxa aanay fahmsanayn in uu adeegsanayo siyaasadii ama qorshihii uu ka tegay madaxweyne Bush. Tan oo la macno ah, taageeradda ay dadka maraykan ka helaan Saraakiisha u adeega danahaa shirkadaha ee ka tirsan golaha baarlaamanka dalka Maraykanka, kuwaasoo aanay dadka u codeeyaa ogeyn qorshaha qorsoon ee ay waddo dawladdoodu gaar ahaana, faragelinta ay ka waddo dalal badan, sida Libya,Uganda,Somalia ,Waqooyiga Sudan iyo haatan Mali. Ujeedada ama hadafka koowaad ee ay dawlada Maraykanku ka leedahay qaraada Africana waa sidii ay uga saari lahayd dawlada China, sida lagu xaqiijiyay qoraal iyo dokumeentiyo sir ah oo ka soo baxay saldhiga military ee AFRICOM.”

Wargeyska Africa Pulse oo fallo dheer ka qoray sida ay tobanaankii sanadood ee u danbeeyay u kordhay dhaqaalaha waddamada Afrika ee qaniga ku ah Macdanaha, ayaa tilmaamay in aan wadamadaasi ku guulaysan inay wax ka qabtaan ugu yaraana kor u qaadaan heerka hoose ee Saboolnimadda dadkooda. Iyaddoo la soo qaatay warbixin uu diyaariyay Bangiga Aduunku oo arrintaas ka hadlayay. “Tani waxay caddaynaysaa inay weli waddamada galbeedku waddaan mustacmarkii ay odhan jireen wax soo saarka Afrika waxaa uu helis ku yahay suuqyadda aduunka. Iyagoo weli ku dhaqmaya qorshayaashii qarniyo ka hor. Taas ayaana keenaysa dagaaladda iyo saboolnimadda ku sii kordhaysa uun Afrika” Ayaa lagu yidhi warka.

subulahanews.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook