Muqdisho{Subulahanews}Afhayeen u hadlay kooxda Shabaab oo lagu magacaabo C/casiis Abu Muscab ayaa beeniyay war dhowaan ka soo yeeray Kenya kaasoo ahaa in Kenya ay dagaalada Jubbooyinka ay ku dishay 3,000 (sadex kun) oo oo ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaab.

  Abu Muscab oo la hadlaya TV-ga Aljaziira ee xaruntiisa tahay dalka Qadar ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Wasiirka Gaashaandhiga Kenya u yahay hadak ka iska yiri oo aan laga fiirsanin, isagoo sheegay in tirada uu sheegay Wasiirka Kenya aysan macquul ahayn.

Wasiirka Difaaca Kenya Yuusuf Xaaji ayaa dhowaan shaaciyay in howlgalada ka socda gobbolada Jubbooyinka ay ku dileen ilaa sadex kun oo ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda Shabaab.  

SUBULAHANEWS.COM

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook