Gabilay(Subulahanews)Dawlada hoose ee Degmada GABILEY ayaa faahfaahin ka bixisay Mashaariic horumarineed oo degmadaasi laga fulinayo iyo kuwa qorshaha ugu jira.

Xoghayaha Fulinta dawlada hoose ee degmada Gabiley C/raxmaan NuurAbokor oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gabiley, ayaa sheegay inay si dhakhso ahu dhamaystiri doonaan Dhismaha Guriga Martida ee Magaaladaasi oo hada gabo-gabo ku dhaw “Gurigii Martida ee Gabiley waanu dhamaystiraynaa dhawaan, waxaanu marayaa meel gabo-gabo ah, inkasta oo uu mar is yara taagay”ayuu yidhi.

Sidoo kale xoghayuhu, waxa uu ka waramay dhismayaal cusub oo ay ku kordhiyeen Dugsiga Sare ee Qalax secondry ee degmada Gabiley “Dugsiga Qalax waxaanu ku kordhinay afar fasal oo loogu talo galay inay ardaydu wax ku bartaan, qaybtaasoo aanu u qorshaynay in ardaydu gelinka hore waxbarashada ku wada qaataan, si aanay gelinka dambeu soo noqon, sidoo kale waxaanu maalmahan ku kordhinay Kuraas iyo Miisas cusub oo aanu dhignay fasalada ka dib markii ardaydu Badatay”ayuu yidhi.

C/raxmaan Nuur Abokor, waxa kaleoo uu ka warbixiyay halka uu marayo Dugsi  hoose dhexe oo cusub oo isna dawlada hoose ee degmada Gabiley ka dhisayso Galbeedka Magaalada, kaasoo lagu kordhinayo Dugsiga hoose dhexe ee Sh. Muxumed Warsame “dawlada hoose eedegmadu waxa kale oo ay dhisaysaa Dugsi sideed (8 Fasal ah ) oo hoose dhexe, kaasoo lagu kordhinayo Dugsiga Sh Muxumed Warsame, waanu dhamaanayaa”ayuu yidhi.

Nuur mar uu ka hadlayay Muranka dhinaca Dhulka ee degmada Gabiley oo ah waxyaabaha ugu dacwada badan dhinaca Dawlada hoose, waxa uu yidhi “intii aanu joognay xafiiska aadbay u yaraaday murankii dhulku, waxaana hada hawlaha dhulka gacanta ku haya annaga, maadaama oo lagu jiro xili kala Guurah, markaa arintaasina aadbay u yartahay hada”ayuu yidhi.

Degmada Gabiley waxa hada ka socda dhawr Mashruuc oo ay bilowgoodii Magaalada ka hir-gelisay Maayirkii horeee degmada Gabiley Khadra Xaaji Gaydh, taasoo wax-qabadkeedu si weyn uga dhex muuqdo Gobolka Gabiley, isla markaana mashaariicdii ay bilowday qaarkood sic ago-jiid ah hada u socdaan.

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale).

SOURCE: WAAHEEN.COM

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook