Hargaysa(Subulahanews)Guddomiyaha Ku-xigeenka 2aad ee Urursiyaasadeedka Ummada Eng.Cabdirashiid Maxamud Cali ayaa Xukumada Madaxweyne Siillanyo Ku Eedeyey in ay tahay Mid Uu Ragadiyey Khilaaf dhexdeeda ka jira oo ay kaga mashquulin dantii qaranka, Wax kale oo uu ka hadlay Weerar uu sheegay in Lagu hayo madaxda Ururka Ummada.
Guddomiyaha Ku-xigeenka 2aad ee Urursiyaasadeedka Ummada Eng.Cabdirashiid Maxamud Cali wax uu Sheegay in Shirkii Golaha Wasiirada ee Xukumada Siilanyo ay yeeshen uu ahaa mid Lagu heshiisinayey Wasiirada Xukumada kuwa jira ee aanay ahayn mid danta Qaranka Somaliland lagaga hadlayey, waxanu Qodobadii laga soo saaray shirkaasi ku Tilmaamay Qaar malo Awal ah.
Waxanu yidhi. “Waxaynu Ognahay in ay Xukumadu ku mashquulsan tahay Afar Qodob, Afarta Qodob waxay kala yihiin Dib u heshiisin Xukuumada Siillanyo dhexdeeda ah, oo aynu oganahay in Saddex maalmood ay Dib u heshiisintaasi u fadhiyeen, lakiin dadka si kale wax loogu sheegay, Balse Xaqiiqdu ay tahay Dib u heshiisin lagu heshiisiinayey Golaha Wasiirada Xukumada Siilanyo, oo uu Khilaaf uu ka dhexeyey, iyada oo la ogaa in warbaahinta ay Hadalo iska soo horjeeda isku waydaarsadeen, lakiin dadka reer Somaliland waa Dad Aqoon laha ee ma ah dad indhola oo wixii la doono loo sheego, Lakiin waxan anigu leeyahay waa laga tagay dantii Shacabka reer somaliland waana laga gudbay Xuduudi Dawladnimada iyo Somaliland jiritankeedi waxana ay Wasiirada Siillanyo ay isku Haystaan Dano kale oo Shaqsiyaad ah, Wax kale oo ay Xukumadu ku Mashquulsanayd kala Doorashada Madaxda Somaliya, oo Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland sheegen in ay kala doorteen Madaxda Somaliya oo ay taa ku mashquulsanaayen, Wax kale oo Wasiirada Xukumada Siilanyo la ogyahay in ay ku mashquulsan yihiin Horumarinta Dekeda Djabuuti iyo Xidhida Dekeda Berbera.Äyuu yidhi Eng. Cabdirashiid.
Guddomiyaha Ku-xigeenka 2aad ee Urursiyaasadeedka Ummada Eng.Cabdirashiid Maxamud Cali Wax kale oo uu Xusay In Xukumada Madaxweyne Axmed ay Dagaal ku soo qaaday ururka Ummada.
Waxanu yidhi.“Wax kale oo ay Xukumada Siillanyo Culeyskeeda iyo Dhaqaalaha Ummada Somaliland ay Saartay sidii ay u burburin lahayd Ururka Ummada, Taasina waa mid aan Cid ka qarsoonayn, lacag ayaa lagu bixiyaa, Masuuliyiinta Hudheelo ayaa la dajiyaa, nin kasta oo dhaqdhaqaaqaya oo Ururka Ummada lagu arko dagaal ayaa lagu soo qaada, Xil iyo lacag ayaa loo balan qaada, horena Xukumada waanu ugu sheegenay imikan waxanu leenahay waxanu runtii jecel nahay in si cadaalada ah ururada loola dhaqmo, lagana waantoobo, in cid gaar ah la Bartilmaamedsado maxaa yeelay Dumuqradiyada ayaanay ku jirin, wax wada lahaansho ayaanay ku jirin, Cadaalada ayaan ku jirin, anagu waxanu leenahay waa in arintaasi laga waantoobaa.”Ayuu yidhi Guddomiye kuxigeenka.
Wax kale oo uu ka hadlay Khilaafkii Dhawaan Madaarka Hargeysa ku dhexe maray Wasiiro Xukumada Siillanyo ka tirsan iyo Ciidanka Qaran. Waxanu yidhi. “Runtii Arrintaasi waanu ka war haynaa, waxay dhacaday Maalin Jimce ah, Lakiin waxanu ka Xunahay in Ciidamada Qaranka ee Karmada Mudan ee Bacadka Ummada Somaliland u taagan in sidaasi loola dhaqmo, waxan leeyahay Dawladinimadu waxay ku jirtaa in Qof walba lagu Ixtiraamo Xilkiisa, Askari Amar la siiyey oo Xero la horjoojiyey oo ninkii Xukumayey uu Amar siiyey oo uu yidhi Yaanay Cidi Soo galin, ninka damcay in uu Xil uu hayo uu ku jidho, ee uu dabadeedan uu yidhi nagu yidhi naga joog, ee Xidhay ee waliba Xukumay waxaan leeyahay, waa masibo qaran oo waana arrin aan meesha qaban Ciidanka Qarankana waanu uga Tacsiyadeynaynaa arrin aanu aad iyo aad uga xunahay weeyi, Insha Allahu Waxanu leenay Xukumad wax badala ayaa Iman”.Ayuu yidhi.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND

