Hargaysa(Subulahanews)mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay ku ansixiyeen xeerka hay?adda sirdoonka qaranka.
Fadhiga maanta ee mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi md.Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaashii ka soo xaadiray waxay cod ku ansixiyeen xeerka hay?adda sirdoonka qaranka.
Xeerkan oo ay mudanayaasha golaha wakiiladu hore uga doodeen ayaa fadhiga maanta waxa ka soo xaadiray 42 xildhibaan.
Xeerkan hay?adda sirdoonka qaranka in la ansixiyo waxa ogolaaday 34 mudane, waxaana diiday 5 mudane, waxa ka aamusay 2 mudane, gudoomiyuhuna muu codayn.
Sidaasna waxa ku ansaxay xeerka hay?adda sirdoonka qaranka.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa gudi hoosaadyada golaha ku war geliyey in xeerarka ay hayaan ay hor keenaan golaha, isla markaana fadhiga ka xigaa uu qabsoomi doono maalinta sabtida ah.
HARGAYSA/SOMALILAND

