Hargeysa(subulahanews) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed Samaale ayaa maanta Xilalkii ka qaaday masuuliyiin ka tirsan Waaxda Xisaabaadka, Kasamadda Qaarkood iyo Cashuuraha Berriga ee wasaaradda Maaliyadda ee Xarunta Hargeysa iyo Gobolka Togdheer.

Masuuliyiinta oo xilalkii ay hayeen ka qaaday waxa ka mid ah Xisaabiye ku-xigeenka Guud oo uu u reebay Xilkaas oo kaliya balse Xilal u wehelinayay loo magacaabay Masuuliyiin kale, sidoo kale waxa uu xubno cusub u magacaabay qaybaha kala ah Chief Examiner, Checking-ka, Fawt Book, Xisaab xidhka, Khasnada Guud, Kantaroolka iyo Xafiiska Cash-ka ee Gobolka Maroodi-jeex.

Halka uu Kastamka Burco Maamule cusub u magacaabay, xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Togdheer-na uga magacaabay Maamule cusub oo ay hoos iman doonaan dhamaan xafiisyadda Cashuuraha Berriga ee Gobolkaasi.

Maaamulayaasha cusub ee uu xafiisyadaas u magacaabayna waxay kala yihiin:-

Xafiiska Xisaabaadka Guud

Chief Examiner Warsame Axmed C/laahi

Fawt Book(Hubinta): Cismaan Caabi Ducaale

Xisaab Xidhka: Khadra Xasan Axmed

Qasnada Guud:  Idiris Xuseen Sareeye

Qaybta Kantaroolka:  Yaasiin Ducaale Barre

Xafiiska Cash-ka Gobolka Maroodi jeex: ———-

Checking:—————–

Kastamka Burco

Maamulaha Kastamka Burco: Saalax Cawil Naxar

Maamulaha Kastamka Beer: Mustafe Cali Cabdi

Maamulaha Kastamka Caynaba:  Mustafe Maxamed Maxamud

Cashuuraha Berriga

Maamulaha Cashuuraha Berriga ee Gobolka Tog-dheer C/risaaq Jaamac Maxamud

Isku shaandhayntan ayaa ah tii ugu horaysay ee lagu sameeyo Xafiiska Xisaabaadka  Guud ee Qaranka, Cashuuraha Berriga Togdheer iyo Kastamka Burco, waxaana la filayaa in ay si dhakhso ah ula kala wareegi doonaan xilalkaasi.

Hore waxa uu Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu isugu bedelay Maamulayaashii Kastamadda Berbera, Kalabaydh, Abaarso, Awdal, Saylac iyo xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Maroodi-jeex.

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook