Hargaysa(Subulahanews)  Gudoomiye ku Xigeenadii 3-aad ee Urur Siyaadaeedka WADDANI Cabdillaahi Siciid Dheer, ayaa maanta ku geeriyooday shilbaabuur ka dib markii uu gaadhi kula qallibmay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Waxa kale oo shirkaa baabuur ku dhaawacmay Gudoomiye ku xigeenkii 4-aad Cabdi Raygal Beegsi, iyo Xildhibaan Cali xaaji oo ka tirsan Golaha Wakiilada, iyada oo masuuliyiintan uu shirku ku dhacay xilli ay wehelinayeen wafti balaadhan oo Magaalada Berbera ku soo dhaweyn lahaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna Gudoomiyaha uruka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo maanta ka soo dagayey Madaarka Berbera ayaa uu la qalibmay Gaadhigii ay wadteen.
Labada masuul ee kale ee dhaawacu soob gaadhay ayaa lagu dawaynayaa cusbitaalka guud ee Hargeysa.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook