Hargaysa(Subulahanews)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamud (Xuseen-xoog) ayaa sheegay in Dawooyinka Dalka lagu Isticmaalo ay 70% ay yihiin Qaar Tayadooda la Hubo, Shaybadho Caalami ahna la soo mariyeen, Waxanu tilmaamay in markii hore Ayna Tayada Dawooyinka Somaliland aanay sidaasi moodeynin.
Sidaasi wax uu Wasiirka Wasarada Caafimaadka Somaliland ka sheegay Kulan Dhexe maray Guddida Arrimaha Bulshadda ee Golaha Guurtidda isaga oo warbixin ka siiyey hawlaha Caafimaad ee Wasaaradiisu ugu xil-saaran tahay qaranka, ayaa sheegay in ay Goleyaasha sharci dejinta hor-keenayaan Xeer xakamaynaya dadka ku shaqaysta Xirfada dhakhtarnimada ee ku gabood-fala bukaanka ay daweynayaan iyo kuwa ka been sheega xirfadaasi.
Ugu horeyn wax uu wasiirku hadalkiisa ku bilaabay xaalada cisbitaalka guud ee Hargeysa waxa uu yidhi “Cisbitaalka guud shaqadiisu way fiican tahay, waxaanan aaminsanahay in saacad kasta dhakhtar laga heli karo, waxaanuna bilaash ka dhignay qaliinka hooyooyinka, waayo waxaynu nahay wadanka shanaad ee ugu badan dhimashada, markaa wax kasta oo keenaya in hooyadu gurigiisa ku raagto oo dhaqaaluhu ka mid yahay waanu qaadnay, waxaana dhakhtarta weyn jooga afar dhakhtar, laba ruush ah iyo laba Somali ah oo mushaharkooda la siiyo”Ayuu yidhi
Wasiirku wax kale oo uu Xusay in aanay wax badan ka qabanin Qobolka Sool waxanu yidhi “Gobolka aanan wax badan ka qaban runta marka laga hadlo waa Gobolka Sool, sababtu waxa weeyaan hay’add waliba wey ka mar-marsoonaysaa, nasiib-wanaag Buuhoodle oo ka tirsan Togdheer haddaanu u helnay Jaanis markaa Ambulaaskiisii, Cusbitaalkiisii iyo shaqaalihii waa laga shaqysiiyey waanu ka seexanaynaa, laakiin Gobolka Sool dhibaato badan-baa naga haysata gunadaas-yar ee Dawladdu bixiso mooyaane waxa kale oo aanu Shaqaalihii u helnay ma jirto”
Wasiirku waxa uu intaas ku daray “ Dhismayaal aanu ku kordhinay ma jiraan, adeeg aanu ku kordhinay ma jirto waxa aanu Dawlada ahaan qaban-karnaa wey yar-tahay, hay’addahaanu adeegsanaa, hay’addii-na waxa weeyaan markay imanayaan Dalka waxbaa loo soo sheegay markaa, runtii dhib-baa halkaas naga haysata, laakiin Mashaariicda horumarineed ee Caasimaad kama samayn karno, waayo waxay doonayaan hay’aduhu meesha ay Lacagtoodu ku bixido inay tegi-karaan oo ay soo eegi-karaan wixii ay Lacagtoodu tartay ama ay Khuburo u soo diri-karaan , marka halkaas amaan maaha loogu sheego dib bay uga laabanayaan, runtiina Gobolkaa wax weyn kamaanan qaban”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Wasaarada guddaheeda waanu wanaajinay si fican baanay xarumuhu u shaqeeyaan, Siyaasidihii lagu hawl-galayey-baanu diyaarinay , waxaanu diyaarinay Xeerkii mihnadlayaasha Caafimaadka oo Goleyaasha la hor-keeni doono oo ah ka dhibta Xirfadlaha Caafimaadka ku takhasusay ama Dhakhtar ha noqdo, ama Neers ha noqdo ama mid aan inta-ba ahayn oo Been sheegaya ha noqdee dhibta uu Qofkaasi Bulshada u geysanayo waa Xeerkii ka qaban-lahaa, Qofka aan Dhakhrtarka ahayn u diidaya inuu shaqeeyo oo meel ku shaqaysto, Qofka Dhakhtarka ah ee Bukaanka ku gabaad-fala ee Xilkii ka saarnaa wada-gudan waaya Shahaadada ka qaadaya, Shaqada ka joojinaya, Dhakhtarka aan muddo ku shaqayn ee Siyaasada iska gala ee aan Dhakhtar-ba ahayn ee hawshiisa intuu iska ilaawo saddex Sanadood Siyaasada ku jiray ee aan Shaqadiisii haynin aanu ku noqon-karin ilaa uu dib isu saxo ileen Cilmigu waa faro ku hayne, waxaa soo dhan Xeerkii xakamayn lahaa waanu diyaarinay oo Golaha Wasiirada wuu soo dhaafay Golayaashaanu u soo socdaa”.

