Borama(Subulahanews)Ciidamada booliska Boorama ayaa qoys shicib ah oo ku nool magaaladaasi laba ka mid ah dhaawacyo soo gaadhsiiyay, kuwo kallena xabsiga u taxaabay ka dib markii sida la sheegay mid ka mid ah maamulayaasha waxbarashada  dugsiyada Boorama  uu Booliska ka dalbaday gurmad wakhti laba gabdhood oo ka mid ah ardayda dugsiyadaasi is af dhaafeen.

Sida uu ku soo waramay wariyaha Saxafi ee goboladda Awdal iyo Selel Maxamed Cumar, Ciidanka Booliska oo wata laba gaadhi ayaa guri ku yaalla waqooyiga magaalada Boorama oo ay deggen-yihiin qoys ay ka soo jeeddo mid ka mid ah labada gabdhood ee warku sheegay inay is dileen si adag uga hawl-galay. Waxayna dad goobjoog ahaa sheegeen inay  ciidankaasi rasaas ku rideen gurigaasi in kasta oo aanay waxba rasaasta ku noqon, ka dibna ay waxyeelo gaadhsiiyeen Aabbaha qoyskaasi,islamarkaana, ay halkaasi ka kaxaysteen wiilal uu dhalay oo qaarkood nabaro loo geystay.

Aabaha  qoyskaasi oo loo yaqanno Jaamac Baakistaani, kana mid ahaa aqoonyahanda caanka ah magaalada Boorama oo wariyaha Saxafi ku booqday Cusbitaalka Guud ee Boorama oo lagu daweynayo, isaga iyo wiil uu dhalay oo dhawr iyo toban jir ah ayaa ii sheegay oo uu yidhi “Wax ciidankaasi i weydiiyay haba yaraatee ma jirto, waxaanan ku war helay rasaasta gidaarka guriga haleeshay iyo nimanka qoryaha la yaacaya, waar joogsada maxaa dhacay haddaan idhina waxaba la igu bilaabay in qoriga dabadiisa la ila dhaco,waad aragtaan inta nabar ee igu taalla. saacaddaydii waa la’iga qaaday, waaxanan is idhi guri ayaaba malaha loo socdaa in la boobo. Taliyaha bilayska ee gobolku halkan,(Cusbitaalka) ayuu iigi yimi, waxaana uu i waydiiyay xaalkayga, anigoo u sheegay in  ciidankiisu falkaasi gaysteen, ina soo weerareen sidii oo aan ahay Alqaacida iyo Al-shabaab, hadii aan wax  laga qaban ciidankaasina, oo sharcigan la marin waayana, waa arrin cusub”

Ninkan cawday isagoo ka hadlaya waxa ku dhacay qoyska intiisii kale ayaa waxa uu yidhi “Waxaad aragtaa nin halkaa jiifa, midna wuu xidhan-yahay oo dhaawacyo ayaa ku yaalla,  inanta ama gabadha yar ee iskoolka dhigata ee ay gabadha kale is xagxagteenna waa la xidhay, cid qoyska ka nooli ma jirto intii maqmayd mooyee, waana dawladda ciidankeeda. waxa falkaas samaynayaa.”

SOURCE:SAXAFI

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook