Hargaysa(Subulahanews)Waxa Mudooyinkan dambe soo ifbaxayay fadeexado maamul xumo oo ka dhex jira masuuliyiinta Wasaaradaha Xukuumada M/weyne Siilaanyo, kuwaas oo ay dhex taagan yihiin khilaafyo la xidhiidha Awoodaha maamulka, Waxaana inta badan jira in muran ku saabsan dhanka dhaqaalaha iyo magacaabista masuuliyiinta laamaha wasaaradaha ee heer gobol ama waaxeed ee wasaaradaha dhexdooda isku qabsadaan, Arintaasi oo mudooyinkan dambe si weyn ay u hadal hayaan Aqoonyahanada iyo dadweynaha ku nool gudaha magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ee xiiseeya Arimaha amase talaabooyinka ay qaado xukuumada Somaliland. Hadaba fadeexadii Maamul ee ugu dambaysay ee ka dhex Aloosma masuuliyiintaasi waxaa ugu dambaysay,qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiir/xigeenka wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xilkii lagaga qaaday gudoomiyihii Wasaarada W/barashada iyo T/sare ee G/Awdal Axmed Cige RIIRAASH, isla markaana qoraalka lagu magacaabay masuul cusub oo noqon doona gudoomiyaha Waxbarashada ee G/Awdal.

Hadaba waxa isweydiin leh sharciyan yaa u leh in uu xilka ka qaado ama magacaabo Gudoomiye Wasaarad waxbarasho ee heer gobol ? ma wasiirkaa mise W/xigeenka ? taasi waa isweydiin maadama wasiirkii goobjoog yahay, waxaa iska leh hawl socodka wasaarada wasiirka, sida qoraalka ku suntan ma cada qoraal w/xigeenku tixraacayo magacaabista Gudoomiyaha cusub iyo xil ka qaadista Gudoomiyaha xilka hayay, sidaas si la mid ah kuma cada qoraalka w/xigeenka W/waxbarashada sabab uu xilka uga qaaday Gudoomiyaha W/waxbarashada oo mudo aan sanad ahayn joogin xilka gudoomiyaha W/waxbarashada ee G/Awdal.

Gudoomiyaha hore ayaa waxa soo magacaabay Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Samsam Aaden, xil ka qaadista gudoomiyahana waxaa iska lahaa sharciyan Wasiirka Waxbarashada, hadaba waxaa meesha ka muuqda in nidaamkii Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland ay ka muuqato god daloolo cusub, sidaas si la mid ah waxaa la isweydiinayaa sababta w/xigeenku u qoray qoraalkan ma mid uu wasaarada ugu xil saaran yahay G/Awdal ee uu ka soo jeedaa W/xigeenku, Arintani waa fadeexad maamul oo dul hoganaysa wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam oo iyadu ka mid ahayd wasiirada sida weyn loo Amaano marka la tilmaamayo shaqooyinka wasaaradaha xukuumada M/weyne Siilaanyo. Qoraalkan ayaana cadaynaya nidaamka maamul ee Wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland ka dhex jira.

SOURCE:Haatuf

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook