Ilaa iyo 7 wariye oo ka howl galaysay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug dhanka maamulka Galmudug Sate ayaa gabi ahaanba shaqadoodii warbaahineed joojiyay kadib markii ay sheegeen in ay naftooda halis gashay.
Wariyayaasha maanta shaqada joojiyay ayaa ka howl galayay Talafashinada caalamiga ah sida HCTV Universal Tv idaacada Barkulan,idaacada Kulmiye iyo warbaahino kale waxaana ay sheegeen in kulan ay yeesheen ay gabi ahaanba shaqo joojin sameeyeen,
Shaqo joojinta todobadaan Wariye ayay kadambeysay kadib markii mas uuliyiinta maamulka Galmudug ay ku qasbayaan in ay si qasab ah warar ugu qaadaan isla markaana ku baahiyaan Talafashinada iyo idaacadaha ay ka shaqeeyaan taasi oo ay u arkeen in ay dhibaato weyn ku tahay naftoodana halis ku gali karto ,
Kulan ay yeeshen 7aan Suxufi oo ka howl galayay warbaahinada caalamiga ee Soomaaliya xarumahooda maagalada gaalkacyo ayaa go?aankoodii ugu dambeeyay waxaa uu noqday in shaqada warbaahinat ay hayaan ay joojiyaan.
Maamul goboleedka Galmudug Sate ee magaalada gaalkacyo aya waxaa ka taagan murun iyo is qab qabsi xoogan oo ku aadan dhana Madaxweynayaasha waxaana suxufi walba oo gaalkacyo ka howl galaa ay madaxda ku war galinayaan in mas uuliyiinta kale aysan war ka qaadi karin kiisana ay gudbiyaan.
Xasankuuriya.
HWN.

