Gudoomiyaha cusub ee Midowga Afrika Dlamini Zuma ayaa loo dhaariyay xilka gudoomiyenimo ee Midowga Afrika kadib markii dhawaan loogu codooyey kulan ka dhacay xarunta Miodwga Afrika in ay hogaamiso ururkaasi.
Ms. Dlamini Zuma oo aheyd wasiirkii hore ee arrimaha gudaha ee Koonfur Afrika ayaa noqoneysa haweenaydii ugu horreysay ee madax ka noqoto ururka Midowga Afrika.
Gabadhani oo horey u ahayd xaaska madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa guddomiye ka noqoneysa dhamaan guddiyada uu ka kooban yahay ururka Midowga Afrika.
Waxay hormuud ka noqon doontaa dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafaadka ka jiro qaaradda.
Adis ababa(Subulahanews)Mar ay wariyayaasha la hadlaysay, ayay Dlamini Zuma sheegtay in doorashadeedu ay muujinayso in khilaafaadkii u dhaxeeyay Afrika ay yihiin kuwa dhamaaday.
Ms. Zuma waxay ka guulaysatay guddomiyihii hore ee Midowga Afrika Jean Ping kadib markii xubnaha Midowga ay cod aqlabiyad ah ku doorteen.”
ADIS ABABA

