Borama(Subulahanews)Idaacada Radio Hargaysa ayaa manta markii ugu hiraysay laga dhagaystay gudaha magaalada Boorama, dhagaysigan idaacada ee dadka ku cusub ayaa waxa ay ka bixiyeen dareeno kala duduwan kuwaasi oo salka ku haya sida ay u arkaan maqalka idaacada iyo talaabadan ay xukuumadu ku talaabsatay.
Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo dareenkiisa cabirayay ayaa yidhi “ Waa talaabo wanaagsan waanan soo dhawynay, waa hormar u qabsoomay xukuumada manta jirta oo ay ku gul daraysteen xukuumadihii hore, baryihii hore waxa la oran jiray Hargaysa iyada uun baa is dhagaysata, balse waxa manta xusid mudan in dalka oo dhani uu isku xidhmay”.
Sidoo kale Ismaaciil Cabdilaahi Xuseen oo ka mid ah dadka reer Boorama ee dareenkooda cabiray ayaa yidhi “ Waa hormar wayn waana wax fiican idaacadu bulshada saamayn wayn ayay ku leedahay, ha noqoto dhinaca isla socodka xukuumada iyo dadka, dhinaca wacyigalinta iyo dhinaca isbarashada iyo kobcinta aqoonta intaba”.
Dhinaca kale dadka reer Boorama waxa aan meesha ka madhnayn oo ay sheegeen inay jeclaan lahaayeen in idaacada Magaca RADIO HARGAYSA laga badalo oo loo bixiyo magac ka balaadhan intan oo qaranimada oo dhan koobsanaya.
BORAMA/SOMALILAND

