Borama(Subulahanews)Waxa manta booqasho hawleed ku yimid magaalada Boorama wasiirka wasaarada degaanka iyo hormarinta reer miyiga Mud. Maxamed Sixiid Maxamuud, waxana uu wasiirka iyo waftiga la socday kulan degdeg ah la qaateen Maamulka Gobolka, ka degmada Boorama, madaxda wasaarada Degaanka ee G/Awdal iyo ururrada wadaniga ah ee ka shaqeeya degaanka.

Kulankan oo mudo kooban qaatay ayaa lagu gorfeeyay dhibaatooyinka dhinaca degaanka lagu hayo oo ay ka mid yihiin, dhuxulaysiga, seerayaasha xoolaha loo diiday iyo dhibaatada ka dhalan kara cimilada kululaanaysa

Badhsaab ku xigeenka G/Awdal Cabdi Nuur Sugaal iyo Maayarka Boorama Cabdiraxmaan Shide Bile ayaa ka marag kacay in dhibaatada degaanku ay tahay mid si balaadhan u soo kordhaysa isla markaana ay ugu badan tahay dhilka seerayaasha ah ee la ootay iyo muranka dhulka oo soo kordhaya kaasi oo xoolihii noolaa u diiday dhulkii ay daaqa iyo calafka ka heli lahaayeen

Wasiirka Degaanka iyo hormarinta reer Miyiga Mud. Maxamed Siciid Maxmuud oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay xukuumadu wado talaabooyin ay kula tacaalayso xaalufka degaanka, Wasiirku waxa uu qiray in xoolaha nool oo ah laf dhabarta dhaqaalaha iyo nolosha reer Somaliland ay degaanka sii xaalufaya dhibaato badan ku qabaan loona baahan yahay in laga wada qayb qaato sidii loo ilaalin lahaa.

Waa markii ugu horaysay ee uu booqasho ku yimaado Boorama Wasiirka Degaank iyo reer Miyig u intii uu xilka wasaaradan hayay.

BY:WARIYE SHARBI YARE

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook