Borama(Subulahanews)Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaan maanta lagu qabtay Huteel RAYS ee Magaalada Boorama taasi oo ay soo  qaban qaabiyey Dugsiga sare ee Al-Aqsa isla markaasina hadyado lagu gudoonsiinayey ardaydii kaalmaha hore gashay imitixaankii sanad dugsiyeedka 2011-2012 ee dugsigaasi .

Munaasibadani waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha wasaarada waxbarashada ee Gobol Awdal,maamulka iyo macamiinta dugsigaasi ,gudoomiyayaasha shirkada isgaadhsiinta ee SOMTEL iyo TELESOM.

Waxaa madashaasi ka hadalay maamulaha dugsiga sare ee Al-Aqsa kaasi ,gudoomiyayaasha shirkadaha SOMTEL IYO TELESOM kuwaasi oo dhamaantood marka hadaladooda la isku soo wada ururiyo ay u badanaayeen dhiiri galinta ardayda dugsiga iyo u tilmaamida waajibaadka ka saaran tacliinta ay baranayaan.

Waxaa ugu dambayntii soo xidhay hadaladii munaasibadaasi gudoomiyaha cusub ee wasaarada waxbarashada Gobolka Awdal mudane Cumar indhamood oo ku dheeraaday taariikhda dugsiga Sare Ee Al-Aqsa iyo halka ay barayaan ardaydii ka qalinjabiyey dugsigaasi  waxaanu tusaale u soo qaaday gudoomiye ku xigeenka  jaamacada Camuud ee dhinaca waxbarashada mudane cumar .

Waxaa ugu dambayntii madashaasi lagu gudoonisiiyey jawaa’is ardaydii kaalimaha koowaad,labaad iyo sadexaadba galay dhamaan fasalada ay ka kooban yihiin dugsiga sare ee Al-Aqsa kuwaasi oo ay door weyn ka ciyaareen isla markaasina ay u badanaayeen ardaydu gabadho taasi oo ku tusaysa in maalmahani dambe ay aqoonta wiilasha ee dugsiyada iyo meelaha kale ee gaar aha loo leeyahay ay dib u dhac ku yimiday isla markaasina ay hor mareen gabdhuhu oo lagu xanan jiray in ay nimada ka aqoon hooseeyaan .

 

 

 

 

 

BY:WARIYE SHARBI YARE

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook