“Ma da’-furin ogaalkay,
Xaska dabada maan gelin,
Derejada ilhaamkiyo,
Hibadii dalaysneyd,
Uma dhiibin duudduub,
Weli Dalawadaydii,
Doobigeedi may dhimin,
Dib-u-dhigasho mooyee,
Wax is-doorshay may dhicin,
Afartaa xan durugtiyo,
Danni jira wax-sheeggii,”
Daalacan (Deelleeydii 2aad), Hadraawi, Muqdisho 11/12/1979kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee Jamhuuriyadda Somaliland
Qormadii: 7aad
25/6/2012ka ayuu Feysal Cali Sheekh xilkii Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ku wareejiyay nin cusub oo dhallinyaro ah oo aan hore shaqo dawladeed u soo qaban oo xilkani ugu horreeyo isla markaana dukaan farsamada tilifoonnada ah ku haystay faras magaalaha Hargeysa meel u dhow Boodhari Daryeel Dumar. Maxamuud Xaashii Cabdi, Wasiirka Duulista ayaa marka uu iga soo hor baxaba igu odhan jiray yarkii wax ma baranayaa. Kala haab! Show meeshu dadna Wasaarad ayay u ahayd dadka qaarkiina dugsiyo wax lagu barto oo laga soo aflaxo. Show qudhayda ayaa macallin ahaa, halka dadku wasiir iiga haysteen. Karis-xun iyaduna ku la’! Malaha odhaahda xaaladahan oo kale loo cuskan jiray ayaa caynkaas ahayd. CV-yada dadka ay xukuumaddu hawl-gelinayso qolannimada ayaa ugu mudan. Waxaan soo xusuustay tuduc ahaa: “Taana waan naqaannaa, Toobbadayna yeelkaa.”
Hadda reer walba nooc kasta waa laga soo helayaa ee bal adba garo’ waxa xukuumaddeenna indho-saabay. Dibudhaca jira xulasho-xumadana wax kaga dara.
Maalintaa Feysal Cali Sheekh xilkii laga qaaday ayaan xaqiiqsaday in aanan meesha sii joogayn, xataa haddii aan sidaa anigu sii jeclaysto. Waxa si cad iigu muuqatay in tallaabooyin kalena la qaadi doono. Wax-qabadkii aanu ka wadnay wasaaraddu halkaas ayuu ku joogsaday oo qaskii iyo wareerkii wasaaradda dibadda looga soo waariday ayaa bilaabmay.
29/7/2012ka: Ka dib markii uu ballan iyo laba aanu la lahayn nagaga baxay, waxaanu barqadii Wasiirka Maaliyadda iyo Agaasimayaashiisii kula kulannay Wasaaradda Maaliyadda. Anigana waxa ila socday mas’uuliintii maaliyadda iyo xisaabaadka ee TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Mowduuca dooddayadu laba qodob ayuu ahaa:
1. Kab miisaaniyadeed oo dhammaa 1.2 bilyan oo Somaliland shilin ah oo Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee Maxamed Xaashi Cilmi ku kabay Wasaaradda Warfaafinta 2011kii oo maantana loo baahan yahay, miisaaniyadda 2012kana aan lagu darin,
2. Idaacaddii cusbayd oo aanu shidaalkeedu miisaaniyaddan 2012ka ku jirin sidii kharash loogu heli lahaa,
Arrintaa markii aanu Wasiir Samaale iyo xertiisii isla gorfaynay, ee ay faylashoodii baadheen waxay noogu jawaabeen waa gar, xaqna waad u leedihiin ee annagu kharash ma hayno. Waxaanu ka codsannay sidii kal hore dhacday ee Maxamed Xaashi Cilmi yeelay in ay warqad noogu qoraan Madaxtooyada si ay kharashkaas meel kale uga raadiso. Wasiir Samaale wuxu noogu jawaabay aniga ayaa Madaxweynaha afka uga sheegaya. Kal hore Maxamed Xaashi Cilmi markii ay xaaladdu halkaas oo kale joogsatay, warqad rasmiya ayuu u qoray Madaxweynaha, sidaas ayaana kabka lagu siiyay Wasaaradda.
Weedha ‘Waa gar’ ee Wasaaradda Maaliyaddu noogu garowday ayaa I soo xusuusisay ma-hadhooyinkii laga reebay awowgay Xaaji Abokor Axmed. Awowgay wuu lug la’aa oo waxa la ii sheegay in Turkigii toogtay, malahayga magtiisii dhawaan ayaanu doonan doonnaaye. Wuxu ahaan jiray af-hayeen garta niqiddeeda loo igmado. Qolo ayaa gar u kaxaysatay, isla markaana ka ballan-qaadday in ay abaal-marin u siin doonaan Baqal uu fuulo. Waa ay u keeni waayeen, marka uu weydiiyana waxay ku odhan jireen: “Waa gar.” Markii uu daalay ayuu ku yidhi: “Ma gar baan fuuli.” Waa tabta ay Wasaaradda Maaliyaddu noogu tidhi: “Waa gar.” Haddaba annaguna “Ma gar baanu shidan, oo shidaal noo noqon.”
30/7/2012ka subaxnimadii oo maalin Isniin ah ahayd ayaa 7.00 saacadood ee subaxnimo aniga oo gurigayga jooga ayaa la ii soo sheegay in Hanti-dhowrkii xidhay xafiisyadii oo baadhis ka bilaabay xafiiskii xisaabaadka iyo maamulka ee uu mas’uulka ka ahaa Xasan Maxamuud oo tan iyo xilliyo hore diiraddu saarnayd. Waa nin maalintii la I magacaabay Madaxtooyada la iiga sheegay in aan xilka ka wareejiyo, anna aan diiday waayo sabab aan ku eryo ma garanayn oo xilba lama aan wareegin siduu u hawl-galana ma aan arag. Ciddii eriga dalbanaysay waxaan ku idhi: “Ma kiisas uu galay intii iga horreysay ee Xaabsade iyo Geel-jire ayaan ku qaadaa illeyn xilba lama wareegin e’.” Markii aan xilka la wareegayba Xasan Maxamuud waan u yeedhay waxaanan u sheegay siduu u hawl-galo in aan kula xisaabtami doono. Nidarkaas ayaanu wada gallay, waanu ku hawl-galay. Xasan Maxamuud xadhiggiisa iyo erigiisa ma aniga ayaa la ila sugayay, laba sannadood oo hore miyaanu shaqaynayn!
Markii hore ama maalmihii horeba baadhis jihaysan oo Xasan Maxamuud oo keliya ku wajahan ayay ahayd in kasta oo la is-daba-qabtay oo maalmihii danbe la yar baahiyay. Maalin labaaddii ay Hanti-dhowrku nala joogeen, oo ahayd 31/7/2012kamar ay saacaddu ku beegnayd 12.30kii saacadood ee duhurnimo Xasan Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Xisaabaadka iyo Maamulka ee TV-ga Qaranka ayaa lagu xidhay Saldhigga booliska ee Kood-buur.
1/8/2012ka: Maalmuhu iskuma jiraan e’ waa maalin Arbacaad. Kulan awliyo. Aniga oo xafiiskaygii goor barqo dheer ah fadhiya, ayay xoghayntii Madaxweynuhu tilifoon ii soo dirtay. La-ye Madaxweynaha ayaa ku doonaya. Anna xaggaa iyo Madaxtooyadii isku shubay. Madaxweynihii ayaan u galay. Waxa la joogay Xoghayihiisa Gaarka ah oo keliya. Mar danbe oo ilaa toban daqiiqo ka danbaysay ayuu Wasiirka Madaxtooyaduna soo fadhiisanayaa oo nagu soo biirayaa. Madaxweynuhu wuxu I weydiiyay sida xaalka Wasaaraddu yahay iyo Hanti-dhowrka galay. Arrintu aniga lur caynkaas ah iguma hayn oo meeshaba saddex bilood ayaan joogay.
Wasiirka Madaxtooyada ayaa igu eedeeyay in aan suuqa iyo meelahaa ka idhaahdo Madaxtooyada ayaa Hanti-dhowrka soo dirtay. Aniguna waxaan odeyga u sheegay in aanay taasi dhab ahayn ee ay wararku u badan yihiin in uu Xirsi hanti-dhowrka soo diray. Waa sida la sheegay in laga soo bowsaday shaqaale wasaaradda ka tirsan oo xidhiidh la leh Madaxtooyada.
Waxaan kala hadlay inanka miskiinka ah ee Xasan Maxamuud ee la xidhay, waayo haddii meesha musuq ka dhacay mas’uuliin ka sarreysay ayaa jirtay.
(La soco……………………………………..)
SUBULAHANEWS.COM

