Hargaysa(Subulahanews) jaamacada Edna Aadan University Hospital ayaa maanta shahaadoyin gudoonsiisay 139 arday oo ka qalin jabiyey qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay jaamacada Edna University Hospital, kuwaas oo ay ka mid yihiin dufcadii afaraad ee ka qalin jabisa shaybaadhka(fourth group of Diploma Level Laboratary  Technicians),dufcadii labaad ee ka qalin  jabisa dawooyinka(Second Group  Of Diploma Level Pharmacy Technician) iyo dufcadii labaad ee ka qalin jabisa kalkaaliyayaasha caafimaadka.

munaasibada ardaydan shahaadooyinka lagu gudoonsiinayey oo ka qabsoontay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay maamulaha guud ee jaamacada Edna Aadan University Hospital  Marwo Edna Aadan,agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Cabdi Guray,gudoomiyaha ururka kalkaaliyayaasha caafimaadka Maxamed iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadashay maamulaha guud ee jaamacada Edna Aadan University Hospital Marwo Edna Aadan waxaanay  sheegtay in dedaal badan la galiyey sidii ay ardaydani uga soo bixi lahaayeen aqoonta caafimaadka taas oo ay soo baranayeen mudo badan.

Marwo Edna Aadan waxay sheegtay in ardaydan soo bartay  qaybaha kala duwan ee caafimaadku ay wax badan ka tari doonaan baahiyaha dhinaca caafimaadka ee ka jira dalka, kuwaas oo ay sheegtay inay maanta ardaydani hayaan aqoontii dhinaca caafimaadka ?ardaydan waxaanu soo barnay qaybaha kala duwan ee caafimaadka,mudada ay baranayeen waxaanu ku tala galnay  inay waxyaalo badan ka qabtaan baahiyaha  dhinaca caafimaadka ee ka jira dalka, ardaydani waxay ka hawl gali karaan dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Mudadii ay ardaydani wax baranayeen waxaanu galinay tabac fara badan oo la xidhiidha sidii ay aqoontoodu  u dhismi lahayd,?ayey tidhi marwo Edna Aadan Ismaaciil.

Ugu danbayntii marwo Edna Aadan waxay u hanbalyeysay guud ahaan ardayda sanadka ka qalin jabiyey qaybaha kala duwan ee caafimaadka ee ay ka barteen jaamacada Edna Aadan University Hospital.

Sidoo kale gudoomiyaha ururka kalkaaliyayaasha Somaliland Maxamed oo ka hadlay munaasibadan ayaa waxa uu sheegay in ardaydan looga fadhiyo inay si dedaal badan u galaan sidii ay cilmigooda uga faa,iidayn lahaayeen, waxa kale oo uu xusay  inay goob joog ka ahaayeen markii la qaadanayey ardaydan ka soo qalin jabisay jaamacada Edna Aadan University, waxaana  hadaladisii ka mid ahaa ?markii la qaadanayey ardaydan goob jooga ayaanu ka ahayn, anaga oo eegaynay habka loo qaadanayey ardaydann maanta ka qalin jabisay qaybaha kala duwan ee jaamacada Edna Aadan University?

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ?waxaan idiin soo jeedinayaa in cilmiga aad barateen aad uga faa,iidaysaan dalkiina iyo dadkiina.

Maanta dalkeenu waxa uu aad ugu baahan yahay inuu helo dadka aqoon leh u arimaha caafimaadka, waxaana laydiinka baahan yahay inaad dabooshaan baahiyaha dhinaca caafimaad ee ka jira dalkeena.?

Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Somaliland Cabdi Axmed oo ugu danbayntii ka hadlay  munaasibadan ayaa soo dhaweeyey ardaydan ka qalin jabisay  jaamacada Edna Aadan University Hospital ? wasaarada caafimaadku way soo dhawaynaysaa ardaydan ka soo baxday jaamacada Edna Aadan University ee soo dhamaystay qaybaha kala duwan ee caafimaadka, wasiirkii caafimaadkuna waxa uu idiinu hanbalyeynayaa waxbarashadaa dhinaca caafimaadka ee aad soo dhamaysateen.

Agaasimaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey ? maanta waxa la ansixinayaa xeerka mihnadlayaasha kaas oo golaha wakiilada hor yaala.

Xeerkani waxa uu aas aas u yahay shaqada caafimaadka waxaanu meesha ka saarayaa  dad fara badan oo aan aqoon u lahayn caafimadka kuwaas oo ku faraha kula jira hawlaha dhinaca caafimaadka, waxaanu idiin ogolaanayaa inaad heshaan fursad aad ku hawl gashaan.

Hadii aanu nahay wasaarada caafimaadkana  aad ayaanu u garab taaganahay Edna Aadan iyo hawlaha dhinaca caafimaadka ee ay  ku hawlan tahay sidii ay u soo saari lahayd dad xirfad layaal ah oo wax badan ka qabta caafimaadka.?

Ardayda ka soo baxday dhinaca kalkaaliyayaasha waxaan leeyahay Hooyooyinnkeena umulaya ama uurka leh waa marka ay ugu baahi badan yihiin in wax loo qabto, waxaan aad ugu kalsoonahay inaad wax badan ka qaban doontaan dhibaatoooyinka hooyooyinka la soo darsa,

Kuwa dawooyinkana  waxaan leeyahay wax badan ayaa ka qaban doontaan dhinaca dawooyyinka iyada oo maanta dalkeena dawooyinka si xun loo iibsado,

Dhinaca shaybaadhka waxa dhacday  meelo shaybaadha in qofka aan si fiican loo baadhin hadii taasi xumaatana dawooyinku way xumaanayaan, markaa waxaan idin leeyahay  waa inaad halkaa ka sii wadaan waxbarashada ee aydaan ka hadhin, ilaa aad ka gaadhaysaan qaybaha sare ee waxbarashada.

Ugu danbayntii waxa munaasibadan shahaadooyin lagu  gudoonsiiyey maamulka guud ee cusbitaalka Edna,ardaydii ka qalin jabiyey qaybaha kala duwan ee jaamacada Edna Aadan University Hospital,macalimiintii mudada wax soo barayey, iyo cusbitaalada Manhal iyo dhakhtarka TB-da oo ardayda si weyn u caawiyey mudadii ay wax baranayeen.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

 

 

 
 
 
 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook