Hargaysa(Subulahanews)Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog), ayaa maanta hor tagay Golaha Wakiiladda Somaliland.
Fadhigan oo uu shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Md. Baashe Maxamed Faarax, ayay mudaneyaashu kaga dhagaysteen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Warbixin Dheer oo la xidhiidha Hawlaha Wasaaradaasi ay ugu xil saaran tahay Qaranka Somaliland.
Dr. Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog) ayaa tilmaamay in ay Wasaaradiisu xil wayn iska saarto sidii ay u dhamaystiri lahayd qabyooyinka dhinaca caafimaadka ka muuqda.
Waxa uu dhinaca kale kula dardaarmay Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda in ay guntiga dhiisha iska dhigaan sidii ay u soo sheegi lahaayeen wax kasta oo wax u dhimi kara caafimaadka qaranka Somaliland ee ay dhaayaha ka qaadan.
?Waxa aanu hadda ku hawlanahay sidii aanu gabi ahaanba u joojin lahayn dawooyinka la tafaariiq iibiye ee iyaga lala wareego, kuwaas in badan ayaanu qabanay, waxaanan booliska amar ku siinay in ay soo qabtaan cid kasta oo lagu arko iyaga oo dawooyin suuqyadda la wareegaya? ayuu yidhi Wasiir Xuseen Maxamed Maxamuud (Xoog).
Dhinaca kale waxa uu caafimaad daro ku tilmaamay caagadaha ay dadka reer Miyiga ah caanaha ku soo shubaan ?Waxa aan ognahay in aanay caafimaadka u wanaagsanayn caanaha lagu soo shubayo caagadaha, haddii mudo dheer la isticmaalana Waxa ay keeni karaan kansarka Caloosha Ku Dhaca, waanan ka hawl geli doonaa sidii aanu dadka uga wacyi gelin lahayn? ayuu yidhi.
HARGAYSA/SOMALILAND

