Borama(Subulahanews)Raashinkan manta loo qaybiyay dadka danyarta ah ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti si wayn ay dadkaasi ugu baahnaayeen maadaama ay fooda inagu soo hayso ciidii Al-Adxa.
Raashiinkan oo isugu jiray Bariis, Daqiiq, Saliid iyo Sonkor waxa loo qaybiyay 14 qoys oo danyar ah, waxaanay ka timid haween muxsiniin ah oo ku nool dalka Ingiriiska.
Cabdi Maxamuud Ismaaciil Cabdi-wayne oo loo soo wakiishay deeqdan qaybinteeda oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay gaarsiiyeen 14 qoys oo danyar ah isla markaana lacagta ay raashinkan ku soo iibiyeen ay ka timid 3 agabdood oo muxsiniin ah oo ku nool UK..
Qaar ka mid ah dadkaasi danyarta ah ee qaatay raashinkan ayaa si balaadhan uga mahadnaqay, waxana ay xuseen inay aad ugu baahnaayeen iyaga oo ugu duceeyay haweenkaasi soo diray lacagtaasi raashinka loogu badalay in Eebe khayr ugu badalo.
BY:WARIYE SHARBI YARE
SUBULAHANEWS.COM
BORAMA/SOMALILAND

