One Call ama Hal wicitaan oo mugdigii ka saaray nolasha Qoys reer falastiin ah oo ku dhuwaad 45 sanno mugdigaas gudcurka ah ku jiray maxan ula jeedaaa .

Badriya Tamiimi oo ku magac dheer Zahraa oo ah marwada sheekadan ay khuseeyso ayaa Rumeysan weysay in ay heshay qoyska ay ka soo jeeday oo aysan arag ama maqlin in kabadan 45 sanno ,haatan waxa ay dib u soo cesheneysaa Luqaddii Faariska ah oo ay ugu dambeysay ku hadalkeeda waqti hore waxa ay kula hadlaysaa walasheed SHAHNAAZ oo aysan rumeysneyn markii hore in ay ku dul nooshahay Koonkan aynu ku dul noolnahay .

Bilowga qisan ayaa u noqonaysa 50 tomaadkii Qarnigii tagay , Markii wiil dhalinyaro ah Oo u dhashay Falastiin uu u safray in reerkiisa nolol malmeedka u soo dhiciyo isaga oo garay magaalo ku taalo xadka kala qeybiyo Dalalka iiraan iyo ciraaq
.
wiilkan oo lagu magacaabo Xusni al-ashqar ayaa kaga shaqeysanayay magaalada u tagay Xirfadda farsamada gawaarida ,halkaan uu ku baratay gabar u dhalatay dalka Iraan muddo kadibna gabdhii halkaa ku guursaday .

Xusni waqti dheer ka dib waxa uu go’aan ku gaaray in uu dalkiisa dib ugu laabto waa falastiin waxaana dhacday in isaga iyo xaaskiisa oo ay wehliyaan laba caruur ah ay dib ugu laabtaan falastiin.

Badriyaa ayaa si qalbi furan ku sagootisay Reerkeeda waxa ayna ula amba baxday saygeeda iyo caruurteeda Falastiin .

Markii uu qarxay kacdonkii Islaamiga ahaa ee Iiraan 1979kii Nasiib xumo waxaa go’ay dhammaan wax walba oo sura gal ahaa in badriyaa ay kula xiriirto qoyskeeda .

waxaana mustaxiil noqday in badaraa ay hesho aqbaarta qoyskeeda iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa dhacday oo qarxay dagaalkii ciraaq iyo Iiraan dhexmaray kaa oo isna uga siidaray xaalka walaacba’anna ku beeray Maro Badraa iyo caruurteeda .

dagalka Iiraan iyo Ciraaq waxa ku bas beelay Magaaladii ay ku guursatay badra wilkan Reer falastiin ah ,eheladeeda ku noolaa magaaladaasina waxa ay noqdeen kuwo barkood ku geeriyooday dagaalka halka qaarkalana ay u barakaceen tuulooyin kale oo ka tirsan dalka Iiraan

Axmed Al-ashqar oo ah wiil ay dhashay Badraa ayaa ka sheekeynaya waxa uuna hadalkiisa ku bilaabay ……………

la’soco qeybta dambe Ee qisan aadka u xiisaha badan aan dhawaan idin soo gudbin doono Insha ALlah.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook