Muqdisho(Subulahanews)Abu Mansuur Al-Amriki oo kamid ahaa dadkii ajaanibta ahaa ee Soomaaluya ku sugnaa isla markaana ka bar bar dagaalamayay kooxda Al Shabaab ayaa daaha ka rogay in qilaafkii ugu xooganaa uu Al Shabaab dhexdooda soo galay.

Sida uu maanta daabacay Wargeyska The Long War Journal oo ka soo baxa cariga dalka Maraykanka in Al Shabaabta Soomaalida ah iyo kuwa ajaanibta ah uu soo kala dhex galay qilaafkii ugu xooganaa ee ebed soo mara.

Wargeyskaan ayaa sheegay in ay heleen cajalad Video ah oo barta internetka Youtube-ka uu soo dhigay Cumar xamaam oo u dhashay dalka Maraykanka balse Soomaaliya looga yaqaano Abu Mansuur Al-Amriki .

Abu Mansuur Al-Amriki ayaa sheegay in al Qaacidada Soomaaliya ee isugu jira Soomaalida iyo kuwa ajaanibta ah uu soo kala dhex galay qilaafkii ugu adkaa bilooyinkii la soo dhaafay taasi oo ku tilmaamay mid halis ku ah jiritaanka kooxda Al shabaab.

Tan iyo intii Al Shabaab looga adkaday dagaaladii ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya waxaa soo kala dhex galay tafaraarux kii ugu xuma waxaa kooxihii ajaanibta ahaa ee Al Shabaab ka bar bar dagaalamayay ay u carareen dalalka Soomaaliya dariska la ah sida Yeman.

SUBULAHANEWS.COM

MUQDISHO/SOMALIA

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook