ktarka ku caan baxay aflaamta Hindiga ah ee la yidhaahdo Amir khaan oo ay la socota hooyadii ayaa gaadhay magaalooyinka barakeysan ee dalka Boqortooyada Sacuudiga isagoo ka mid noqday malaayiinka qof oo muslimiinta ah ee gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.
Amir khaan oo ka soo jeeda qoys muslim ah ayaa la sheegay inuu hadda ka hor hooyadii ka balan qaaday iney si wadajir ah u soo wada xajiyi doonaan taasoo la sheegay inuu ka dhabeeyey sanadkan.
Amir Khaan oo xidhan dharka xujeyda, hooyadii Seinat husen iyo 12 ilaaladiisa ah ayaa la sheegay in lagu arkay goobaha barakeysan ee dalka Sacuudiga, waxaana la dejiyey Hotel u dhaw xaramka magaalada Maka inta ay ka gudanayaan waajibaadka Xajka.
Jilaaga caanka ah ee Amir khaan ayaa ku laaban doonaa dalka India 14 maalmood ka dib markuu dhamaado xajka, isagoo dhameystiri doona filimada Dhoom 3 iyo Talaash oo jiliinkooda qeybo badan ay uga hadhsan yihiin laguna wado in sanadka cusub ee soo socda la soo bandhigo.
Dadka yaqaana aktarkan Amir Khaan ayaa ku sifeeya jilaa jecel inuu cibaadeysto kuna fiican diinta Muslimka, waxaana uu u dabaaldagaa Ciidaha Islaamka, isagoo sidoo kale ilaaliya soonka iyo salaadaha, waxaana jilaagan magaca leh lagu yaqaanaa caawinta caruurta dhibaateysan ee dalkiisa iyo dadka saboolka ah.
SUBULAHANEWS.COM

