Hargaysa(Subulahanews)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa saaka socdaal ku tagay magaalooyin ka tirsan Gobolka Saaxil oo uu Mashaariic ka soo furayo.

Magaalooyinka uu tagayo Madaxweyne Siilaanyo waxa ka mid ah magaalo Xeebeeda Berbera oo uu ka furi doono Garoon Kubadda Cagta ah oo ay Dawladda hoose ee Berbera dhamaystirtay wallow ku talo galku ahaa in Ciyaaraha Sanadkan lagu qabto, hadana waxa la sheegay inuu dib uga dhacayo in lagu qabto.

Sidoo kale magaaladda Berbera waxa uu xadhiga kaga jari doonaa laba wado oo la sheegay in lagu kordhiyay Jidadka Berbera oo sanadihii ugu danbeeyay aad loo kordhiyay, isla markaana Bilic ku soo kordhiyay magaaladaasi oo ku sigatay in looga Guuro adeegyada bulshada oo ku yaraa, Sida Jidadka, Laydhka iyo shaqo la’aanta balse ka soo kabatay.

Sidoo kale Degmadda Sheekh ayaa lagu wadaa inuu mashaariic dhinaca Arrimaha Bulshada oo laga hirgaliyay iyana ka soo furo, kuwaasoo ay ka mid yihiin Cisbitaal Caafimaad oo la sheegay in la dhamaystiray, iyadoo baahi waeyn ka jirtay dhinaca Caafimaadka.

Waxa intaa dheer Madaxweyne Siilaanyo mudada uu Gobolkaasi ku sugan yahay oo lagu qadaray sadex cisho inuu bar bar wadi doono kulamo kale oo siyaasadeed, kuwaasoo uu la yeelan doono Madaxda Dhaqanka, Waxgaradka, Ururada Bulshada iyo Madaxda Dawladda.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo ee xiligan ayaa u muuqda mid loogu Gogol xaadhayo Oolaha Doorashada Golayaasha Deegaanka oo Xisbiga Kulmiye Cod iyo taageeraba loogu raadinayo, iyadoo ay safarkiisa ku wehelinayaan madax ka tirsan Xukuumadda gaar ahaana kuwa ka soo jeeda Gobolkaasi oo food –saare uga dhiganaya sidii ay dadka Indhahooda u hantiyi lahaayeen Mashaariicda laga furayo Gobolkaasi.

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook