Berbera(Subulahanews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta booqasho ku tagay Magaaladda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil.

Madaxweynaha oo ay wehelinayeen Wasiiradiisa Ciyaaraha, Madaxtooyadda, arrimaha gudaha iyo xildhibaano ka tirsan golaha wakiiladda ayaa waxa ay ujeedadiisu sidii uu xadhiga uga soo jari lahaa dhismeyaal cusub oo lagu soo kordhiyay Magaaladda Berbera.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xadhiga ka jaray wado dheer oo  isku xidhaysa Magaaladda Berbera iyo Garoonka Kubadda Cagta, taas oo ay dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera Hirgelisay.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu  saaka xadhiga ka jaray Garoonka kubadda cagta ee Magaaladda Berbera, kaas oo ay dhamaystirtay Dawladda Hoose.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si weyn ugu amaanay Mayorka Magaaladda Berbera dedaalka badan ee uu labadii sano ee ugu dambeeyay ku talaabsaday, waxaanu kula taliyay in uu halkaasi ka sii wado dedaalka wax qabad ee uu sameeyay.

Sidoo kale wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal ayaa isna ka markhaati kacay in mayorka Magaaladda Berbera iyo wasaaradda ciyaaruhu ay la socdeen dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Magaaladda Berbera.

Mayorka  Dawladda Hoose ee Magaaladda Berbera ayaa labadii Sano ee ugu dambeeyay talaabooyin wax ku ool ah qaaday, waxaana la sheegay in uu yahay Mayorka ugu wax qabadka Badan Somaliland oo dhan.

 

SUBULAHANEWS.COM

BERBERA SOMALILAND

 

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook