“Beesha mid Ka mid Ah dadka dhintay oo diiday in Maydka la aaso”
Bali Busle(Subulahanews) Koox dablay ah ayaa shalay laba qof ku dilay, laba kalena ku dhaawacay weerar ay ku qaadeen gaadhi xamuul ah oo sidday adhi la doonayey in la geeyo dekeda Boosaaso ee Puntland.
Kooxdan dablayda ah ayaa sida la sheegay markii ay gaadhigan weerarka ku qaadeen watay gaadhi Seeraf ah oo ay kala baxsadeen Maayarka degmada Xiin-gallool ee Gobolka Sanaag ee Somaliland, iyadda oo lagu waramay in kooxdani ay gaadhiga ka heleen meel lagu magacaabo Bali-busle, ka dibna ay rasaas ooda kaga qaadeen si ay u joojiyaan, rasaastaasi oo markiiba dishay laba qof oo midkood ahaa Kirishboygii gaadhigaasi la socday oo dusha saarnaa, mid kalena ay dhaawacday.
Dablaydan oo tiradooda aan la sugin, ayaa la tilmaamay in markii gaadhigu joogsaday ay dirawalkii kala wareegeen isla-markaana dib ugula noqdeen degmada Xiin-gallool, iyagga oo intii ay dhexda ku sii jireena toogtay dirawalkii gaadhiga ay kala wareegeen.
Warka ayaa intaa ku daraya in dablayda falkan geysatay oo ka soo jeeda bariga Gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Xiin-gallool ay falkan kaga aar-gudanayeen koox ka soo jeeda Sool oo la sheegay inay hore uga dhacday Maandooriyaha Khamriga oo ay Boosaaso u iibgeynayeen, iyadda oo la sheegay in gaadhiga ay afduubeen uu lahaa nin reer Sool ah, halka dirawalka ay dileena isla Sool ka soo jeedo.
Dhanka kale, wararka Waaheen halkaasi ka heshay ayaa sheegay in beesha Sool oo uu ka soo jeeddo dirawalka gaadhiga adhiga sidday ee ay dileen budhcaddaasi ay diideen in la aaso maydka Marxuumka geeriyooday isla-markaana ay doonayaan inay maydka ka soo qaadan Xiin-gallool oo kooxdaasi la tagtay si ay ugu aastaan deegaanadooda.
Wararka halkaasi laga helay ayaa qaarkood sheegeen in dablaydani ay ilaa shalay ku sugnaayeen gudaha Xiin-gallool, ka dib markii ay falkan geysteen.
Falkan ayaa laga baqayaa inuu colaad kala dhex dhigo labada beelood ee Sanaag bari iyo Sool isla-markaana ay bilaabmaan falal kala aar-goosasho ahi.
SUBULAHANEWS.COM

