London(Subulahanews)Iyadoo lawada ogsoon yahay in qaadku yahay xaaraan , caafimaadkii dhalinyarada iyo dhaqaalihii ummadeenana uu bur buriyey, ayaa dhanka kale waxaa soo baxaya masawiro katurjumaya sida aan marnaba wax xushmad ah loogu hayn dadka qaadka cuna ee kunool wadamada reer galbeedka ah kuwaasoo amar kusiiya eyda inay ku saxaroodaan qaadka korkiisa.

Arintaas ayaan waxaan wax kawaydiinay qaar kamida culumada ugu waaweyn magaaladan London ,waxana marka hore isku wada raaceen inuu qaadku yahay xaaraan, hadii EY taabto ama ku kor fariistom iyo hadii uu ku kor saxaroodo wuxuu Qaadkaasi noqonayaa xaaraan lagu daray najaaso.

Hadaba su,aasha is weydiim talehi waxay tahay , muqayaliintu maxay najaasadaan cusub kayeeli doonaan iyadoo weliba dhaqaatiirtu sheegaan in xanuuno Qatar ah laga qaadi karo kaadida eyga,

Waxaan ugu baaqaynaa Muqayiliinta Soomaaliyeed ee kunool wadamada reer galbeedka ah inay iska ilaaliyaan , iska yareeyaan, iska daayaan, cunista qaadka , ama ugu yaraan is ka mayraan kaadida iyo xaarka eyga.

Gudoomiyaha ladagaalanka qaadka
Abukar Awale ( qaad Diid ).

SUBULAHANEWS.COM

LONDON/ENGLAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook