“Waa maxay waxan la sheegayaa, ma ninkii (Xasan Maxamuud) ee la baadhayay ayaad shaqadii ku celisay?”Madaxwayne Silanayo.
Hargaysa(Subulahanews)Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mujaahid Cabdi Yuusuf Ducaalle (Boobe) oo wadda qormooyin taxane ah oo kaga faalloonayo dhaqan-no guracan oo ay masuuliyiinta xukuumadda ka midka ahi u addeegsadaan masuuliyiinta ay qaniinaan iyo waliba hababka ay ugu xidhaan dabinadda ay doonayaan inay ku gelaaftaan, ayaa qormadiisii 10-aad soo raaciyey jumlad shacabku su’aal iska waydiin karaan.
Boobe, waxa uu jumladdan kaga sheekeeyay dhacdo uu ka yaabay oo soo martay 6/8/2012-ka, taasi oo uu si fiican u sharaxay wanjal ay maleegeen kooxda uu ugu yeedho inay indhaha dalqada ku leeyihiin, kaasi oo uu tilmaamay inuu ka dhashay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo telefoon kala soo hadlo isaga kacsan, waxaanu Cabdi Yuusuf Ducaalle qoraalkiisa si maldahan ugu xusay inuu isagu garanayo qofka lahaa telefoonka Madaxwaynuhu kala hadlay iyo cidda wakhtigaasi Madaxwaynaha u dhiibtay.
Boobe, waxa uu tilmaamay in arinta Madaxwaynuhu ka kacay ahayd agaasimihii waaxda maamulka iyo lacagta Xasan Maxamuud oo xadhigiisii ka dib xarunta Wasaaradda u tagay inuu Mushaharkiisa qaato, balse kooxda arinkan ka dambaysay Madaxwaynaha ugu sheegtay inuu dib shaqadii ugu caliyey, taasina keentay inuu Madaxwaynuhu ka cadhooday.
Jumladdan oo aanu idiinka soo goynay qormadda Tobnaad ee taxanaha Boobe ayaa ku bilaabantay sidan “6/8/2012ka: Waa maalmihii ay Marwada Koowaad ku maqnayd London. Maa daama ay Ramadaan ahayd, macaankayga oo hoos u yar dhacayana aan dareemay, xilli ku beegnaa ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan gurigaygii tegay. Maalmahaa indhaha saxaafaddu waxay ku jeedeen wada-hadalladii Xaglo-toosiye ee Oog ka socday. Malahayga markii aan saacad badhkeed joogay gurigii ayaa wiilkayga Diiriye ii dhiibay tilifoonkaygii oo soo dhacay. Waan qabtay. Mise waa Madaxweynihii oo yar kacsan. Si deggan ayaan ‘haloo’ u idhi. Madaxweynuhu wuxu igu yidhi, waa maxay waxan la sheegayaa, ma ninkii (Xasan Maxamuud) la baadhayay ayaad shaqadii ku celisay? Aniguna ma Xasan Maxamuud. Iyo haa. Intaa ka dib ayaan u sheegay in uu xafiiska u yimid si uu mushaharkiisii u qaato. Ka dibna Madaxweynuhu wuxu igu yidhi inta baadhistu socoto, shaqo ma qaban karo.
Sida aan wedkayga u hubo ayaan u hubaa in aanu Madaxweynuhu arrintan isagu dabo socon, bal se inta ku dhow ee uu aamminay ay dhaqammadan xeyndaabka qarannimo iyo madaxnimo ka baxsan iyagu ula imanayaan, halkii ay karaamadiisa, sharaftiisa iyo ta Qarankaba ka dhowri lahaayeen.
Xasan Maxamuud maalintaas ilaa 11.30kii ayuu xerada Idaacadda yimid, Madaxweynuhuna wuxu ila soo hadlayay saacad ka dib. Bal ka warrama! warka laga diray Idaacadda ee Madaxweynihii gaadhay ee uu ila soo hadlay. Intaan is-yar taagay ayaan maskaxda ka yar shaqaysiiyay, daqiiqadna iguma ay qaadan in aan suureeyo sida wax u dhaceen iyo sida ay wax isugu xidhmeen. Lambarka Madaxweynuhu igala hadlayay waan garanayay, cidda leh waan garanayay, qofka markaa gacanta ku hayayna waan garanayay. Raxantii Madaxtooyada ku xidhnayd mid ka mid ah oo aan hebel u garanayo ayaa tilifoon diray, kii ka qabtayna Madaxweynaha ayuu warkii u sheegay. Ninkan madaxweynaha warka gaadhsiinaya inta Idaacadda joogta qof keliya ayuun baa la hadli karayay, run ahaantiina kii baa la hadlay. Waa intaasba sida aan aamminsanahay ama ku suureeyayba. Lambarkii ayaan ilaa saddex, afar jeer dib u garaacay, waana la iga qaban waayay. Lambarkaa dhakhso ayaa la iiga qaban jiray oo waa tii aan ka mahad-celiyay”ayuu Boobe ku yidhi qoraalkiisa.
Haddaba, Maadaama Mujaahid Boobe isagu sheegay inuu garanayo cidda leh telefoonka Madaxwaynuhu kala soo hadlay iyo cidda wakhtigaasi Madaxwaynaha warka wanjalka gaadhsiisay ee telefoonka u dhiibtay, haddaba su’aashu waxay tahay “Waa ayo qofka isku dhuftay Madaxwaynaha iyo Boobe..?
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND
SOURCE:WAAHEEN
