Hargaysa(Subulahanews) Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) ayaa maanta xilkii kula wareegay madal ay fadhiyeen masuuliyiin tiro badan oo si baaladhan loo soo agaasimay.
Xafladan xil wareejinta oo maanta lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha ayaa waxa masuuliyiinta ka soo qayb gashay ka mid ahaa Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Wasiirka Ganacsiga C/risaaq Khaliif Cismaan, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali (Cadami), Wasiirka hawlaha Guud iyo Gaadiidka Axmed Cabdi Xaabsade, Wasiirka Kaluumaysiga C/laahi Cismaan Jaamac (Geeljire), Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Guddoomiye ku xigeenka Urur siyaasadeedka Xaqsoor Cali Sandule, Wasiirka Duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.
Xafladan xil wareejinta ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin tiro badan, waxaanay ka hadleen xafladan xil wareejinta iyo qiimaha ay leedahay, iyada oo masuuliyiintii halkaasi hadalka ka jeedisay ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Wasaaradda Dib u dejinta, Wasiirka Gaashaandhiga, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Guddoomiye ku xigeenka Xaqsoor, Wasiirka Kalluumeysiga iyo masuuliyiin kale oo tiro badan, iyaga oo hadalo kala duwan madashaasi ka soo jeediyey.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND

