Borama(Subulahanews) Waxaa maalmihii u danbeeyay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal si xoog leh uga soo cusboonaaday tahriibkii dhinaca bada ay dhalinta reer Boorama mudo dheer ugu danbaysay ayaa haatan u eeg mid hawadisii dib u soo laba kaclaysay.
Hadaba mar aan u kuurgalnay sababata haatan keentay in dhalinyaradii wax ka baranaysay jaamacaddaha iyo kuwii dhamaystayba ay miciin badaan badda in ay isku biimeeyaan ayaa ah sidii caadada ahayd camal la’aan, bisaarad iyo dhaqaalo darro.
Sidoo kale waxaa iyadna intaas dheer in dhalinyarada qaarkood isku maaweeliyaan in ay haatan ka fududahay waqtiyadii hore ee xukuumadii qadaafi ka talinjirtay wadanka libiya ayse haatan tahay mid marista badu tahay mid iska caadiya oo ay mari karaan tahriibayaashu.
marka aan hadaba waxaa soo dhan aan dib u jaleecno hayaankan cusub ee ay dhalinta reer Boorama dib ugu bilaabeen dhul khatarteeda leh oo nolol iyo geeri u dhaxayso ayaa waxaa la odhan karaa waxaa sababta ugu wayni ay tahay da’yarta saaxiibadood ee baryobaryo hore alle ka badbaadiyay saxaraha iyo bada Libiya ee haatan ku sugan dalalka Yurub ay u gacan haadiyaan ayna isku soo sawiraan dhul bilicdoodu ay aad u quruxbadan tahay haseyeeshee nolosha ay kaga nool yihin alle uun garanayo taas oo dhalintan halkan joogta mar qudha ku abuurayso hiyi kac iyo walbahaar isna arkayo isaga oo ka sii talaabayo xuduudka u dhaxeeya Itoobiya Iyo Suudaan.
Arintan oo baryihii u danbeeyay dhagaha dadwaynaha Boorama iyo maskaxdoodaba ay ka yara nasteen ayaa waxaa intaas dheer waalid badan iyo qaraabo badan oo dhalintaas tahriibtay haatan oo aan la garan karin tiro ahaan inta ay yihiin ay ku soo biirtay walbahaar iyo murugo marka ay maalin walba maqlaan soomaali ayaa lagu xidhxidhay xabsiyada ku yaala wadamada libiya Iyo Suudaan.
Si kastaba ha ahaatee hayaankan cusub ayaa ah mid aan caadi ahayn waxaana u daran ardaydii jaamacaddaha dhiganayay qaarkood taas oo lacagtii yarayd ee ay fiida jaamacadda sanadkan kuwada tahriibeen nin walba meesha ay gaadhsiisaba tanina waa nasiib daro iyo mustaqbal madaw dhalintii la rabay in ay aqoon ay dadkooda iyo dalkooda wax ugu qabtaan ay naftooda ku biimeeyaan meel waxa ka horeeyaa aanan la saadaalin karin iyo sida ay ugu noolaan doonaanba.”
BY:WARIYE SHARBI YARE
SUBULAHANEWS.COM
BORAMA/SOMALILAND

