Hargaysa(Subulahanews)Ciidamadda Asluubta iyo Taraafikadda ayaa shalay hakadkii ugu muddada dheeraa galiyay jidka Hal-bawlaha ah ee mara Hotelka Imperial iyo Madaxtooyadda Dabadiisa kadib markii ay xidheen isagoon Madaxweynuhuba soo dhaweyn.
Wakhtiga Madaxweynuhu soo galay Qasriga Madaxtooyadda oo ahayd saacadii ay Dadweynaha iyo shaqaalaha Dawladdu qaarkood-na rawaxayeen, qaarkood-na shaqo tagayeen ayaa waxa abuurmay in gaadiidkii Suuqa ka yimi iyo kuwii ku socday ay Ciidamaddu xanibaan isla markaana ay taasi abuurtay in safaf dhaadheer ay baabuurtu is taxdo.
Inkasta oo markasta oo Madaxweyne baxayo ama soo gelayo ay Ciidamadda iyo madaxda Dawladdu caado ka dhigteen in ay joojiyaan isku socodka gaadiidka iyo Lugtaba mararka qaarkood, hadana dhacdadii shalay waxa ay kaga duwanayd waxa aad arkaysay Ciidamadda Asluubta oo la wareegay xilkii Taraafikadda, isla markaana halkii dhawaqa Siidhigu ka hagi lahaa gaadiidka si ay fursad ugu helaan inay kala socdaan intaan weftigu soo gaadhin, uu Askari qori sita oo Asluub ahi is hortaagayo gaadiidkii.
Waxa ay mushkiladdu ka sii dhacday markii Madaxweynuhu ku hoyday Gurigiisa waxa saacaddo danbe madaxa iskula sii jiray gaadiidkii Dadweynaha ee xayirnaa iyuo gaadiidkii Ciidamadda oo markiiba bilaabay inay iskaga rawaxaan Jidadkii ay taagnaayeen, taasina waxay keentay in rafaad iyo silic ay in muddo ah gaadiidkii mar kale ku sii jireen.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND
SOURCE:WAAHEEN.

