Malaysia(Subulahanews)Jaaliyadda Somaliland ee dalka Malaysia ayaa kulan ballaadhan oo ay isugu yimaaddeen Hoolka Jaamacadda International Islamic University Malaysia ku doortay guddoomiye cusub oo jaaliyadda hagi doona . Doorashadan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulkii hore ee jaaliyadda oo wakhtigii ka dhammaaday ayaa ku soo gebo gebowday jawi qurux badan oo niyad samaan iyo isku duubniyi ka muuqato .

Kulankan oo markii hore la filayey inay ku tartamaan murashaxiin dhawr ahi ayaa waxa aakhirkii tartanka ku soo hadhay Murashax Shafici Axmed Cali (Ducaale ), ka dib markii murashaxiintii kale ee la filayey inay tartamaan ay si niyad sami leh ugu tanaasuleen .Waxaana guddidii doorashadu yagoo raacaya sharciga u yaalla ay ku dhawaaqeen in Murashax Shafici Axmed Cali (Ducaale ) yahay murashaxa keli ah ee taagan sidaasi darteedna uu ku guulaystay hogaaminta jaaliyadda Somaliland ee Dalka Malaysia .

Intii aan la gudo gelin barnaamijka doorashada waxa kulanka kelmado qiimo badan oo guubaabo , dhiiri gelin iyo dardaaranba isugu jira madasha ka jeediyey qaar ka tirsan waxgaradka jaaliyadda waxaana ka mid ahaa xubnihii madasha kelmadaha qiimaha badan ka jeediyey , Sharmarke Warsame iyo Axmed Deeq oo ka wakiil ahaa ardayda jaamacadda UIA oo marti loo ahaa , Shacbaan Hassan Xashi oo ka mid ah waxgaradka jaaliyadda , Bashiir Xasan Jaamac oo metelayey suugaanyahanka jaaliyadda iyo Maxammed Yusuf Cabdi oo ka mid ahaa guddidii hore ee jaaliyadda ee wakhtigu ka dhammaaday.

Guddoomiyaha guddida doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu Shafici Axmed Cali yahay guddoomiyaha cusub ee Jaaliyadda Somaliland ee dalka Malaysia. Kadibna waxa mikrifoonka lagu soo dhaweeyey Guddoomiyihii hore ee jaaliyadda Cali Cabdi oo hambalyeeyey guddoomiyaha cusub , wuxuuna Guddoomiye Cali si guud u tilmaamay caqabadihii ka hor yimi intii uu xilka hayey isaga iyo guddidiisuba isagoo guddoomiyaha cusubna kula dardaarmay inuu u dhabar adaygo hawsha iyo xilka culus ee loo igmaday.

Guddoomiyaha cusub ee Jaaliayddu dooratay Mudane Shafici Axmed Cali (Ducaale )ayaa gebagebadii kulanka lagu soo dhaweeyey mikrifoonka , waxaanu guddoomiyuhu jeediyey kelmed kooban oo mahadcelin ah . Gabo gabadii, kulanka jaaliyaddu ku dooranaysay guddoomiyaha hagi doona mustaqbalka dhaw ayaa ahaa mid si habsami ah ku soo gebo geboobay .

SUBULAHANEWS.COM

MALAYSIA.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook