Hargaysa(Subulahanews)Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe,ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) iyo sida uu u arko xilka loo magacaabay Wasiirkii hore u joogay Wasaaradda Xaglo-toosiye loo magacaabay.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in hogaamiyaha SSC uu qaatay tallaabo fiican “Saleebaan waa guddoomiyihii SSC, qoladii xaggaa ugu tagtay ayaan ka  mid ahaa, wakhtigaasi jawigii uu nabada ku doonayey weji adag ayuu ahaa oo  in badan ayaanu wadda-hadalnay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Saleebaan Xaglo-toosiye tallaabo geesinimo ah ayuu sameeyay, iyadda oo deegaankiisa ay faraha kula jiraan wadamo shisheeye oo Soomaaliya kula jirto oo lacagi ku socoto, Iyaddoo la leeyahay Kalshaale iyo dhulka hawdka ayaa lanaga qaadayaa oo biyihii ayaa lanaga ayaa qaadayaa (Ayuu Tallaabo Geesinimo ah qaaday), qofkii wanaag wadda Mallaa’igtaa la shaqaysa oo ILAAHAY-baa gacan siiya”

Guddoomiyaha UCID, waxa kale oo uu soo qaaday “Dalku waxa uu wax ku noqonayaa inaga oo midaysan, inaga oo midaysan ayaynu Koonfurta Soomaaliya iska celin karnaa, dadkeena reer Somaliland cod midaysan ayaynu ku hadlaynaa Iinsha Allaah”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Anigu maan filayn in Wasiir reer Boorama ah dusha laga saaro kii reer Laascaanood, waxaan is lahaa raggii darajada qaatay ayaa qaar laga kicin doonaa, markaa waxaan leeyahay kuma faraxsani laakiin waxaan filayan inuu isbedal iman dooono, runtiina Dawladu waxay ku fiicantahay saami qaybsi maadaama wixii imika beelo yihiin”

Guddoomiyaha UCID, waxa uu ku taliyey “Waa in wasaaradaha waaweyn sidii shirkii barigii Borama loogu qayb-saday lagu socdaa ilaa inta dadka ay ka baxayso xumadanta qabiilku, waxaanan filayaa dawladu inay isku noqon doonto”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “kolay imika wax isku taataaban kari mayso oo doorashadii ayaa soo socota, wasiirka la kiciyaa wuu xanaaqayaa, laakiin  doorashada ka dib waxaan jecelnahay in beelaha hareeraha la hagaajin doono”.

SUBULAHANEWS.COM

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook