Hargaysa(Subulahanews)mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay ku ansixiyeen xeerka mihnad layaasha caafimaadka.
Fadhiga maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi md.Baashe Maxamed Faarax ayaa mudanayaashii ka soo xaadiray waxay cod ku ansixiyeen xeerka mihnad layaasha caafimaadka, xeerkaas oo doodiisu hore uga soo dhamaatay golaha.
Guddida arimaha bulshada ee golaha wakiilada ayaa wax ka bedel iyo kaabis ku soo sameeyey xeerka mihnadlayaasha caafimaadka, kaas oo ay mudanayaashu hore u soo jeediyeen in wax ka bedel lagu sameeyo qodobo ka mida xeerkaas.
Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa si duuduub ah ku ansixiyey xeerkan oo wax ka bedel iyo kaabis lagu soo sameeyey.
fadhiga maanta ee golaha wakiilada oo ay ka soo xaadireen 42 mudane ayaa waxa xeerkan ogolaaday 37 mudane, waxaana diiday 2 mudane, waxaana ka aamusay 2 mudane, gudoomiyuhuna muu codayn.
Sidaasna waxa ku ansaxay xeerka mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland.
Dhinaca kale mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay galeen fasax ku siman 45 maalmood.
subulahanews.com
hargaysa/somaliland

