Gabilay(Subulahanews)Murashaxa Jagada Madexweynaha Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa, lagu wadaa maanta soo Gaadho Magaala Madaxda Gobolka Gabiley ee Gabiley halkaas oo uu usoo gaadhayo sida la sheegay dardar galinta iyo Xoojinta Murashaxiinta uga tartamaya Xisbiga Ucid Gobolka Gabiley.

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo xubno ku wehelinaya Socdaalkiisan oo ay kamid yihiin Mujaahid Cali Gurey oo isagu indhawaale aan cagta ka qaadin Gabiley ayaa, lagu wadaa in ay Galinka Dambe ee maanta soo gaadhaan Magaalada Gabiley dareenka arintaas oo xoojinaya mucaaridadii Xisbiga Ucid ay dabka ugu huriyeen indhawaale, Murashaxiinta Golaha Deegaanka Degmada Gabiley  uga sharaxan Xisbiga Ucid oo ololahoodu aad u badnaa islamarkaana, si adag uga hadlayay dhinaca Warbaahinta gaar ahaan Shabkada Wararka Hadhwanaagnews oo ay si toos ah ula soo xidhiidhayeen Xubnaha Murashaxiinta iyo Gudoomiyahooda Gobolka Gabiley.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Xisbiga Ucid C/rashiid Muxumed Qalinle ayaa, u xaqiijiyay Shabkada Wararka hadhwanaagnews socdaalka maanta uu kusoo gaadhayo Gabiley Murashaxa jagada Madexweynaha ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen talaabadani, waxey noqoneysaa mid uu Xisbiga Ucid kaga duwanaan doono Ururada iyo Xisbiyada kale eek u tartamaya Doorashada Golaha Deegaanka marka Gabiley layidhaa iyadoo, sida la sheegay ay mudo koobani ka hadhsan tahey wakhtigii loo cayimay Ololaha kaambeynka Doorashada Deegaanka.

 

Waxaanay dhiiri galin iyo dardar galin u noqoneysaa safarkan kooban ee xogwareysiga iyo dardargaalinta isugu jira ee uu sida gaarka ah wakhtigan ugu soo beegay Gabiley Murashaxa Xisbiga Ucid ee jagada Madexweynaha Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen guud ahaanba taageerayaasha Xisbiga Ucid iyo Murashaxiintiisa Golaha Deegaanka Gabiley uga sharaxan tartanka doorashada D/hoose ee Gobolkan ayay u tahey fursad ay kaga faa,ideysteen in ay ku xoojiyaan Ololahooda iyo mucaaridada ay indhawaale lasoo baxeen.

SUBULAHANEWS.COM

GABILAY/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook