Borama(Subulahanews)Gegeda ama saylada  xoolaha ee magaalda Boorama waa meesha ugu camiran magaalda, halkaasi oo ay ku kulmeen dad aad u tiro badan oo isugu jira kuwo xoolo iib keenay iyo kuwo xoola iibsanaya oo ka kala yimid degaano tiro badan oo ku xeeran magaalada Boorama.

Marka aad ku sugan tahay gudaha saylada xoolaha ee Boorama qof walba waa mashquul maalmahan, waxana halkaasi ka socota hawl aad u balaadhan oo isugu soo biyo shubanaysa xoolaha, kuwaasi oo isugu jira sedex qaybood oo kala ah, xoolaha IIBKA loogu tali galay ee Ciida, Kuwa qaliinka loogu talo galay ee Ciida, iyo xoolahii kale ee dhaqashada ahaa.

 

Aalaaba Magaalada Boorama waxa wax lagu kala iibsadaa lacagta Birta dalka Itoobiya, waxana qaar ka mid ah dilaaliinta xoolaha oo lacagta Birta Itoobiya ku sheegaya sicirka ay yidhaaheen “ Waa maalmahii ciidii Adxa, xoolahan la iibsanayaa waxa kuwo noocyo badan ah, kuwa ugu muhiimsan ee Adxada ee qaliinka loogu talo galay neefku waa 2000 ama 2500 oo bir (oo u dhiganta 80 ama 100 boolar) si fiican ayuu iibku u socdaa, waana shaqo xaami ah maalmahan”.

 

Iibka xoolahan Ciida ayaa saamayn xoogan ku yeeshay iibkii xoolahii kale, waxana iyaga oo ka waramaya dilaaliinta xoolahu ay yidhaaheen “ Waa joogsadeen dhamaan iibkii xoolahii dhaqashadu, ma wanaagsana maalmahan, waxa aad loo iibsadaa kuwa qaliinka, maalmahan waa ka faaruqeen saylada ganacsatadii iibsanaysay xoolaha loogu talo galay dhoofka, sidaasi aawadeed xoolaha dhaqashadu ma laha suuq”.

 

Si kastaba ha ahaatee Iibka, sii-iibinta, dilaalka, dhaqida iyo xanaanayta xoolaha, iyo gawraca oo Maalinta ciida hawshiisa la iman doona HEI waxay shaqooyin u abuureen dhalinyaro badan, waxana la xusi karaa inay yihiin hawlaha ugu badan ee waqti xaadirkan ay qaybo ka mid ah dadka reer Boorama ka shaqeeyaan.

BY:WARIYE SHARBI YARE

SUBULAHANEWS.COM

BORAMA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook