Iyadoo ay doorashada wadanka maraykanka ay ka hadhay muddo aad u kooban ayaa waxaa xalay lagu qabtay gobolka Florida ee dalkaasi dooddii ugu danbaysay saddex doodood oo xillagan oo kale la qabto,Labadii doodood ee hore waxa xoogga iyo awooddaba lagu saar
Dooddan oo soconaysay ilaa 90 daqiiqo waxaa loo kala saaray ilaa lix qaybood oo ay qaybtiiba soconayso 15 daqiiqo, qaybahaasi waxay kala ahaayeen:
1. Doorka oo maraykanku ku leeyahay siyasadda caalamaka
2. Dagaalka Afkaansitaan iyo Pakistan
3. Israel iyo Iran
4. khatarta argagixisada iyo wajiyada cusub ee ay yeelan karto
5. Isbaddallada ka dhacay bariga dhexe iyo saamayntooda
6. Awoodda china ee soo kordhaysa iyo sidii looga hor tagi lahaa
Dooddan oo ku bilaabantay weerar iyo weerar celis ay isugu jawaabayeen labada murashax ee Obama iyo Mitt Romney ayaa waxa uu Romney ku dhaleeceeyay siyaasadda arrimaha dibadda ee Obama waxyaabo ay kamid ahaayeen shilkii lagu dilay safiirkii maraykanka u fadhiyay dalka Libya iyo sida xukuumadda Obama uga jawaab celisay.
Waxa kale oo uu kuu eedeeyay in maraykanku waayay saaxiibbo aad u qaali ahaa oo uu ku lahaa bariga dhexe intii uu Obama hoggaaminayay siyaasadda waddanka maraykanka.
Sidoo kale waxa uu Romney ku dhaleeceeyay siyaasadda Obama sida uu ula dhaqmayo Iran iyo barnaamijkeeda hubka nukliyeerka.
Halka madaxweyne Obama isna dhinaciisa ku dhaliilay Romney iyo xisbigiisaba guul darrooyinkii soo gaadhay siyaasadda arrimaha dibadda xilligii uu Bush hoggaminayay maraykanka iyo qaladaadkii ay galeen waqtigaas oo ay ka mid ahaayeen Dagaalkii Ciraaq iyo qorshe la’aanta dagaalka afkaanistaan.
Waxa kale oo uu Obama ku dheeraaday guulihii uu gaadhay intii uu xukunka hayay ee ay kamid ahaayeen inuu ka takhallusay hooggaamiyihii Al-qaacida oo xisbiga Jamhuurigu ku guul darraystay inuu soo qabto ama uu dilo, guushaas oo Romney laftiisuna ku hambalyeeyay.
Sidaasoo ay tahay waxaa jira arrimo ay ka midaysnaayeen labada nin oo ay kamid ahayeen taageerada xadka aan lahayn ee la siinayo dawladda Israel iyo taageeridda mucaaridka Suuriya.
Dhanka kale dadweynaha ku dhaqan 21 waddan oo adduunka ka mid ah oo daraasad lagu sameeyay waxna laga waydiiyay labada murashax ee tartamaya ka ay taageersanyihiin ayaa waxa 50% waxaa ay sheegeen inay taageersanyihiin Obama halka 9% ay taageereen Romney, inta kalena ay ka aamuseen.
Ugu danbayntii qiimaynta hordhaca ah ee la sameeyay waxaa la sheegay in dooddii xalay iyo tii ka horrraysayba uu ku guulaystay Obama halka Romney-na dooddii ugu horraysay oo wacdaro ka muujiyay.

 

subulahanews.com

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook