Hargaysa(Subulahanews) Guddida  siyaasada arimaha Dibada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa Maanta Kulan Albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Ururka Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee SONSAF.

Kulankan ayaa wax uu ka dhacay Xarunta Golaha Guurtida ee Magalada Hargeysa,

Hadaba markii kulankasi is xoogwaraysi ahi uu dhamaday wax warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha Guddida siyaasada Arimaha dibada ee golaha guurtida Xildhibaan Sahal Iidle  Waxanu Xusay in Masuuliyiinta  SONSAF uu kala hadlayeen Arrimaha Doorashooyinka iyo Doorkii ay ka qaadan lahayeen “Waxaanu la kulanay hay’adda SONSAF oo Muujisay  waxqabad aad u fiican intii ay jirtay, lana shaqaysa wasaarada qorshaynta qaranka, Warbixintii ay nasiiyen wax ku caddaa in ay  Sonsaf ay Kulmiso  ururada bulshada  Rayidka ah Waxaanay ka kooban tahay sida ay noo sheegen masuuliyiintoodu  shan waaxood oo balaadhan kuwaas oo kala ah,  ururada bulshada, xirfadlayaasha, culimo u diinka, cuqaasha iyo  qaybaha gaarka ah ee bulshada, waxaanay na siiyeen warbixin aad u balaadhan oo taabanaysa qaybo badan oo bulshada ah,   waxa muuqanaysa in aqoontii shacabku  shaqaynayso oo dadkii aqoonta lahaa ay u soo  jeedsadeen inay waxqabadkooda dalka u muujiyaan, marka waanu uga mahad celinaynaa sida ay  nooga soo ajiibeen dalabkayagii aanu kaga codsanay inay noo yimaadaan.”Ayuu yidhi Xildhiban Sahal.

Gudoomiyaha Dalada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf Aadan Xaaji Cali oo isaguna ka hadlay kulanka ay la qaateen guddida siyaasada arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee golaha guurtida ayaa waxa uu sheegay inay uga warameen waxqabadka dalada SONSAF Waxanu Tilmaamay in ay Komishanka doorashooyinka kala shaqeeyan Habsami u socdka Doorashooyinka Waxanu yidhi. “Waxa noo yeedhay  Guddida siyaasada  waxaanay naga codsadeen hadii aanu nahay isku  xidhka ururada aan dawliga ahayn, inaanu warbixin iyo xogwaraysi isa siino maadamaa golaha guurtidu yihiin gole dastuuriya, guddidanina ay yihiin gudi u qabilsan arimaha siyaasada sharciya, waanu hor nimid anaga oo aad ugu faraxsan inaanu la kulano, hadii aanu Sonsaf nahay waxanu uga waranay waxay Sonaf u taagan tahay,waxqabadkeeda iyo waxyaalihii aanu kuguulaysanay mudadii aanu jirnay.” Ayuu yidhi.

Dhinca Doorashooyinka  iyo sida ay ula shaqeeyan Komishanka waxa isaga oo arrimahaasi ka hadlayna wax uu yidhi “Imika hawlaha balaadhan ee aanu gacanta ku hayno, Wax ka mid ah Sidii aanu uga qaybqadan lahayn doorashada Golayaasha Deeganka  anaga oo imikana diyaarinayna  dhinaca goobjoogayaasha maxaliga ah, waxaanu uga waranay shirar caalamiya oo aanu ka qayb galnay  oo aanu codka bulshada gaadhsiinay.”Ayuu yidhi Aadan.

Aadan Xaaji Cali wax uu sheegay in ay Diyaarinayaan Muraaqibiintii Maxaliga ah iyo kormerayaalba si ay doorashadeenu si nabad gelyaha ah inoogu dhacado.

 

subulahanews.com

 

 

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook