Hargaysa(Subulahanews)Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland  Maxmed  Axmed Xirsi Geelle ayaa ku Dhawaaqay Wakhtiga ay Bilaabmayso  Ololaha Doorashooyinka Golayaasha Deeganka, isaga oo sheegay in 29 Bisha October ay Guud ahaa Dalka ka bilaabmayso Ololaha Doorashada, Waxanu Tilamaamay Hananka ay u kala horeynayaan Ururadu.

Sidaasi wax uu ku sheegay shirjara’id oo uu Goor dhawayd uu ku qabtay Xarunta Komishanka Doorashooyinka Somaliland ee Maglada Hargeysa.

Afahayeenku wax uu sheegay in 29 October ururka Ummada uu ugu horeynayo Ololaha Doorashada, 30 October Xisbiga  Ucid, 31 October Xisbiga Kulmiye, 1 November  Ururka Dalsan, 2 November Rays,  3 November Waddani, 4 November Xaqsoor.

Waxanu yidhi “Waxanu Halkan kaga dhawaaqayna in In Ololihii Doorashada Golaha deeganku uu Bilaamayo 29 Bisha October oo ah Isniinta inagu soo socta, waxayna ururadu u kala horeynayaan sidii aanu ugu Qori tuurnay, Waxa u horeynaya 29 october Ururka Ummada, 30 October Xisbiga  Ucid, 31 October Xisbiga Kulmiye, 1 November  Ururka Dalsan, 2 November Rays,  3 November Waddani, 4 November Xaqsoor, Waxanu urur walba u soo jeedinaynaa in maalinta ay Ololaha Ay leeyihiin ay ilaaliyaan Nabad gelyada, waxanu ururka aan maalinta lahayn uga digay in ay Ololaha sameeyan.”ayuu yidhi.

 

SUBULAHANEWS.COM

HARGAYSA/SOMALILAND

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook