Maaliyiin Xujaaj ah oo kala yimid dunida ayaa sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka, iyada oo sanadba sanadka ka dambaysa muslimiinta gudanaysa waajibaadka Xajku ay soo badanayaan.

Maanta oo ay bisha Dulxija tahay 9 waa maalinta ay xujaajtu gutaan mid ka mid ah rukniyada ugu muhiimsan ee waajibaadka Xajka, ruknigaasi oo ah istaagida buurta Carafa.

Dadweynaha kale ee muslimiinta ah ee aanay u suurto galin inay gutaan waajibaadka xajka ayaa maalintan ay tahay Sune in la soomo, iyada Nabigu (NNKH) sheegay in qofka maalintan sooma uu ka heli doono ajar fara badan.

Maalinta bari oo ah maalin Jimce ah ayey ku beegan tahay Ciida labaad ee ka mid ah labada ciidood ee ay muslimiintu u dabaal dagaan.

ku soo biir subulahanews@hotmail.co.uk,waa cinwaankayaga facebook