“Waxaanu soo aragnay Badda iyo Buuro Khayraad badan leh oo u Baahan in wax laga qabsado oo Dad yari ay degan yihiin”Samaale
“Waxaanu soo aragnay Deegaamo God’oon ku jira oo ay joogaan Dad Dalkooda iyo Dadkoodaba Jeceli”Geel-jirre.
Hargaysa(Subulahanews)Wasiiradda Wasaaraddaha Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, Kalluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) iyo Taliyaha Ciidanka ilaaladda Xeebaha Somaliland Axmed Aw Cismaan Cabdi ayaa ka warbixiyey Safar Kormeer ah oo ay ku tageen Gobolada bari ee Dalka.
Masuuliyiintan oo shalay Shir jaraa’id ku qabtay Xafiiska Wasiirka Maaliyadda , ayaa sheegay inay soo mareen deegaano badan oo u baahan in la horumariyo.
Wasiirka Kalluumeysiga Cabdilaahi Cismaan Jaamac (Geel-jire) oo ugu horayn shirkaas jaraa’id ka hadlay, ayaa yidhi “Safarkani waxa uu qaatay muddo todoba cisho ah, waxaanu ahaa nuxurkiisu in sadexdayadan hay’adood ee wasaaradda Kalluumaysiga, Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo Wasaaradda Maaliyadu mid aanu guud ahaan eegayno xaalada xeebahaa bariga inaga oo aan lahayn wadooyin caadi ah oo la maro, kuwaasi oo aad mooda inay dhulka go’odoon ka yihiin, taasi oo aanu doonayno inaanu xukuumadd ahaan xaaladooda eegno, ta labaadna waxay ahayd mid aanu hawlahooda u gaarka ah iyo kuwa ay ku wada socdaan inaanu eegno sida ay u socdaan, waxaanu qorshuhu ahaa in sanadkan lagu darro mashaariic horumarineed iyo kobcinta dhaqaalaha, lana bar tilmaameedsado wax soo saarka ay ka mid yihiin Kalluumaysiga”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “waxaanu soo aragnay ciidankii Ilaalada xeebaha oo meel kasta oo xeebta ah jooga iyo dadka halkaasi ku nool oo dadkooda iyo dalkooda jecel, iyaga oo aad hadana moodo inay si uga go’an yihiin, wixii aanu isla garanayeyna si wanaagsan ayaanu uga balanay, waxaanu golaha wasiirada ugu soo bandhigi doonaa shirkooda marka la qabto”.
Taliyaha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Axmed Sh. Cismaan oo isna halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi “Ciidanka Bariga jooga waa ciidanka culayska ugu weyn ee ilaalada xeebuhu ku dhaco, waana kuwa budhcad badeeda ugu badan soo qabta”.
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale oo shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii ay kala kulmeen safarka ay ku tageen deegaanada bariga Somaliland, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa “ujeedada safarkayagu waxay ahayd inaanu ogaano xaqiiqada dhabta ah ee deeganadaasi ka jirta khayraadka yaala sidii looga faa’iidaysan karo iyo baahida halkaasi jirta waxa aynu ka qaban karno, sida dakhliga dalku kor ugu kici lahaa nolosha dadkaana aanu u ogaan lahayn, waxaanu soo aragnay deegaano iyo xeebo u baahan in wax laga yagleelo, kuwaasi oo dad yari ay degan yihiin khayraad badana leh”.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa warfidiyeenadii Shirkaasi ka qayb galay qaar ka socday Wargeysyo dhawaan warar uu sheegay inay Xaqiiqada ka fogyihiin ku waydiiyay Su’aalo la xidhiidha sababtay wararkaasi uga baahiyeen, iyagoo aan wax xidhiidha la soo sameyn, halka dhinaca kale uu ku dooday sababtay shirka ugu waydiin waayeen hadiiba ay suurto geli wayday inay hore u waydiiyaan.
SUBULAHANEWS.COM
HARGAYSA/SOMALILAND

